Sydney (Dawan): Somaliland ayaa dalka Australia kaga qayb gashay Shirweyne heer Caalami ah oo lagaga hadlayo Maalgashiga Qaaradda Afrika. kaasi oo shalay ka furmay magaaladda Perth City ee ku taal galbeedka dalweynaha Australia.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu soo bandhigay dalalka ku habboon in la maal gashado ee khayrdaadka iyo Macdanta ku jirtaa ay tahay mid la maalgelin karo. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray xafiiska Somaliland ku leedahay dalkaasi.
Somaliland waxaa shirkan u metelayay Maxamed Ismaaciil Xuseen oo ah safiirka u fadhiya dalka Australia oo casuumad rasmi ah ka helay Mr Bill Repardoo ah madaxa hay’adda Pay Dirt Media Australia PL, oo ah hay’adda qabanqaabisay shirweynahan caalamiga ah. Waxaanu ka war bixiyay khayraadka dihin ee ku duugan Somaliland iyo sida ay ka dawlad ahaan u soo dhawaynayaan shirkado caalami ah oo maalgashi ku sameeya dalka.
Waxa kale oo uu kulamo kala duwan la yeeshay shirkado iyo madaxda dalalka shirka ka soo qayb galay kuwaasoo uu warbixin dhammaystiran ka siiyay Somaliland horumarka ka jira iyo sida ay u tahay dal la maal gashan karo oo ka soo dhex baxay qaaradda Afrika oo dimuquraadi ah.
Waxaana shirkaasi furay madaxa guud ee dawlad goboleedka Western Australia Mr. Collin Barnett. Iyadoo ay ka soo qayb galeen madax gaadhaysa shan iyo labaatan wasiirr oo African ah, in ka badan 2500 oo ergooyin ah. Waxa kale oo iyagna goobta ku sugnaa 165 shirkadood oo ah kuwa macdanta ka baadha aduunka, gaar ahaan qaarada Africa.
Waxa kale oo goobta ku sugnaa28Wasiir oo ka soo jeeda qaaradaAfricaoo uu ugu horeeyo wasiirka macdanta iyo khayraadka ee dalka Gaana.The Hon. Nii Osah Mills…The Hon. Minister for Mineral Resources. Republic ofGhana.
Waxa kale oo xusid mudan oo isaguna goobta ku sugnaa, oo aanu wada hadal dheer yeelanay, xoghayaha guud ee suuqa dhaqaaalaha iyo maalgaashiga Koonfurta iyo bariga Africa. Mudane Sindiso Ngwenya,The Secretary General of the Common Market for Eastern and Southern Africa,oo ii xaqiijiyey in uu dhawaan isaga iyo wefti uu hogaaminayaa ay booqasho ku iman doonan Jamhuuriyada Somaliland.
Dhinaca kale waxaa shirkaasi ku sugnaa safiirada dawladaAustraliau fadhiya qaaradaAfricagaar ahaan wadamada kala ah sidaKenya, Ethiopia, Nigeria, Ghana and Nigeria, wakiiladaas oo ay kulamo wada qaateenAmbassador Balishireoo warbixin dhankasta taabanaysa oo ku saabsanSomalilanday wada yeesheen safiiradaas. Iyadoo ay sidoo kale joogeen safiiradda dalka Australia ee wadamadda qaaradda Afrika.
Madaxdii dalalka ka qayb galay shirka iyo shirkadaha caalamiga ah ee maal gashedayaasha ahba waxaa soo jiitay qudbaddii uu ka jeediyay shirka Safiirka Somaliland u fadhiya Australia oo kulanka ku soo bandhigay sida ay Somaliland u tahay dal khayraadkiisa la hubo oo uu dihin yahay isla markaana ka duwan Soomaaliya-da ay dadku ku maqlaan dagaalada iyo dhibaatooyinka ka jira waxaanu ku marti qaaday Madaxda Shirkadaha caalamiga ah ee maalgadhiga qaaradda Afrika u diyaarka ahi in ay Somaliland booqasho ku yimaadaan oo ay soo arkaan,taasoo ay ka aqbaleen isla markaana ay ballan qaadeen in ay dalka iman doonaan.
By: Faysal Xiis Weerar (Afgaab)
Dawannews Hargeysa office