Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane Cumar Axmed Sanweyne ayaa sheegay in adeegyada Zaadka iyo E-dahab ee shirkadaha Isgaadhsiinta Telesom iyo Somtel ay qiimo dhac ku keeneen shilinkii Somaliland.
Xildhibaan Cumar Sanweynoo ayaa sidan ka sheegay mar uu u waramayay wargeyska DAWAN, Waxaanu ku dooday in baanka dhexe dejinayo xeerkii lagu maamuli lahaa Zaadka iyo E-dahab, isla markaana ay u soo gudbin doonaan Golaha Wakiiladda.
“Anigu waxa aan aaminsan nahay Zaadka iyo E-dahab in ay shilinkii Somaliland ka saareen suuqa waanu ka wadda hadalnay guddoomiyaha baanka iyo wasaaradda maaliyada sidii xeer loogu samayn lahaa Zaadka iyo E-dahab-ka, markaa waxaan xeer lahayni ma shaqeeyaan, xeer ayaana lagu kala baxaa, haddii kale waxa ay noqon doontaa in muran iyo isqab-qabsi ka yimaado, markaa imika xeerkii ayaanu wadnaa oo waxa aanu sugaynaa in xeerkii la keeno oo baanka dhexe soo curiyo.
Markaa waxa aan doonaynaa in aan dedajino xeerkaas oo marka aan ansixino inuu noqdo xeer lagu shaqeeyo. Waana ka wada soconaa wasaarada maaliyadda in la kaantaroolo lacagahan elegtarooniga layskugu dirayo.”
Xildhibaan Sanweyne waxa kale oo uu u soo jeediyay ganacsatada in ay ummadda ka daayaan lacagaha dulsaarka ah ee ay saarayaan meecashadda ay soo waaridaan waxa aana uu yidhi “Waxa aan leeyahay ganacsatada ummadda u naxariista, markaa waxa aan leeyahay ganacsatadda waxaad saaraysaan maceeshadda wax macquula ha noqdo maceeshadda oo ka daaya boqolkiiba boqolkan aad saaraysan.”
“Waasiirka ganacsigana waanu ka wada hadalnay arrintaa iyada ah in raashinka sida bariiska, baastada iyo waxyaabaha quutal-daruuriga ah in aanu ogaano qiimaha dalka ay ku imanayaan oo aanu ogaano halkii laga soo iibiyay waana ka sugaynaa Wasiirka ganacsiga,” ayuu yidhi Guddoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cumar Axmed Sanweyne.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office