Feedhyahan reer Australiya ah ayaa u dhintey feedh kaga yimi ninkii uu tartanka feedhka kula jirey.
Feedhyahanka ayaa ku dhintey cusbitaalka kadib markii uu miyir beel ahaa afar cisho.
Tartanka feedhka ayaa ka socdey magaalada Sydney markii uu ku dhacay feedhka sababta u noqdey dhimashadiisa.
Feedhyahan Davey Browne Jr, oo 28 jir ahaa, waxa feedh dhulka ugu tuurey feedhyahan Carlo Magali oo u dhashey Philippines dhamaadkii wareeggii 12- Tartankaasi feedh waxa la yidhaa super-featherweight, waxaanu dhacay toddobaadkii tegay.
Feedhyahan Browne oo ahaa aabe leh laba carruur ah waxa uu cusbitaalka ugu dhintey dhaawacii oo uu ka soo kaban waayay.
Ururka dhakhaatiirta Australiya ayaa ku baaqey in la mamnuuco feedhtanka kadib geerida Browne.