Laascaanood (Dawan): Taliyaha ciidamadda Asluubta ee Somaliland sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ayaa shalay socdaal kadis ah ku tegay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Iyadoo 17 ka mid ahaa maxaabiista ku jirtay xabsiga magaaladda Laascaanood ay dhawaan baxsadeen.
Taliye Xudhuun oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood ayaa tilmaamay in xabsiga magaaladda Laascaanood ay ka bedeleen ciidamadii hore u joogay, maadaama oo ay maxaabiis ka baxsatay. Waxaanu carabka ku dhuftay in xabsiyadda goboladda dalka uu soo indho-indhayn doono. “Waxa aan socdaal ku marayaa gobolada oo dhan waana markii ugu horaysay ee aan maro ciidanka asluubta meel kasta oo uu joogo ilaa waxa aan tagayaa Ceerigaabo.
Xabsiga Laascaanoodna wixii dhacay ee hore waa la hagaajiay ciidan cusub ayaana keenay oo aanu u soo badalanay wax xumina ma jiraan” ayuu yidhi taliyaha ciidamadda Asluubta sareeye guuto Xudhuun.
Socdaalka taliyaha ciidamadda asluubta Somaliland uu ku tegay magaaladda Laascaanood ayaa imanaya iyadoo laba todobaad uun laga joogo, kadib markii sida laga war-qabo dhawaan ayaa xabsiga magaaladda Laascaanood waxaa ka baxsaday 17 ka mid ahaa maxaabiistii ku xidhnayd iyo laba askari ka tirsanaa ciidamadii xabsiga ilaalinayay wakhtigaasi.
Askartaasi oo la sheegay in ay gacan ka siiyeen baxsashadda maxaabiistaasi, gaar ahaan saddex nin oo la ay isku hayb ahaayeen. Kuwaasi oo loo haystay dabiyo la xidhiidhay dagaallo laba beelood hore ugu dhexmaray degaamo ka tirsan gobolka Sool.
Dawannews Hargeysa office