Janaraalkii Inqilaabka Burkinofaso oo la Xidhay

0
314

Saraakiisha iyo Ciidamada amaanka Burkina Faso, ayaa Xabsiga dhigay Hoggaamiyihii ka danbeeyay Af-gambigii Fashilmay Jen. Gilbert Diendere.
Saraakiisha amaanka ayaa qaab shirqool ah u xidhay Jen. Gilbert Diendere, kadib markii Saraakiishu ay sheegen in Dowladu ay mar kale baqdin kasoo food saartay in Jen. Gilbert Diendere uu ku dhaqaaqo talaabo lagu qalqal galinaayo Dowlada.
Wakaaladaha Caalamka oo xiganaaya Saraakiil ka tirsan Laamaha amaanka ayaa yidhi “Jen. Diendere Haatan waxaa lagu soo Wareejiyay Gacanta Xukuumadda,” Balse warkan ku saabsan in Jen. Diendere Xukuumadda Burkina Faso lagu soo wareejiyay ayaan weli ahayn mid cad.
Sidoo kale, Toddobaadkii hore ayaa xayiraad lagu soo rogay hantida Jen. Gilbert Diendere iyo 13 xubnood oo kale oo looga haysto Af-gambigii ka dhacay Burkina Faso, inkastoo aan magacyadooda la shaacin.

Leave a Reply