Xidhiidhka Kansarka iyo Dhererka

0
353

Daraasad xoojisay jiritaanka, in xidhiidh ka dhexeeyo Kansarka iyo dhererka.
Daraasad ay Sweden ku sameeyeen shan milyan oo ruux, ayaa u muuqata inay taageereyso, waxa sheegaya in dhererka iyo Kansarka uu xidhiidh ka dhexeeyo. Daraasadda, ayaa lagu ogaaday in dadka joogga leh ay halis u yihiin in kansar uu ku dhaco.
Natiijada, ayaa lagu ogaaday hadii qofku dheeraado toban sentiimitir marka uu koro, ay qatarta kansarka kordheyso 18 % dumarka, halka raguna ay kordheyso 11 %. Qubarada ayaa sheegay in daraasadoodu aysan ku darin waxyaabo kale oo keeni kara cudurka, ayna tahay in dad badan oo dheerdheer aysan welwelin.
Si loo yareeyo qatarta kansar, ayey tahay in la sameeyo waxyaabo ay ka mid yihiin joojinta cabista sigaarka iyo in habka nolosha laga dhigo mid ku saleysan cunis caafimaad.
Haweenka dheer dheer, ayaa 20% halis ugu jira in kansarka naasaha uu ku dhaco, halka ragga dheerna 30% halis u yihiin kansarka maqaarka.
Dr Emelie Benyi oo horkaceysa daraasadda, ayaa sheegtay in natiijada ay ka caawineyso in la ogaado waxa keena kansarka, taasi oo horseedeysa in daawo la soo saaro.
Inkastoo ay iska caddahay in dhererka uusan keenin kansarka, ayaa la aaminsan yahay in waxyaabo kale oo ka yimaada koriimada carruurnimo ay keenaan.
Seynisyahanada, ayaa sheegay in dadka dheer dheer ay aad u koraan taasi oo keeneysa in kansarku uu kordho, waxa uu jirkoodu leeyahay unugyo badan, maxaa yeelay xajmigooda ayaa kordhiya qatarta in mid ka mid ah unugyadoodu noqda kansar iyo cunto badan oo la cuno oo keeni karta qatarta in kansar kuugu dhaco.
 

Leave a Reply