Hargeysa(Dawan):- Wasiirka wasaaradda biyaha Mudane Baashe Cali Jaamac ayaa si rasmiya xilkii ugu kala wareejiyay Wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda biyaha Mudane C/salaam Maxamed Xasan oo loo bedalay inuu noqdo Wasiiru dowlaha wasaaradda deegaanka iyo reer miyiga iyo Wasiiru dowlaha cusub ee wasaaradda Biyaha Md. Mahdi Cismaan Buuri.
Xafladii loo sameeyay xil wareejinta labadaas masuul oo lagu qabtay xarunta wasaaradda khayraadka biyaha. waxa ka soo qeyb-galay masuuliyiinta wasaaradda, agaasime-waaxeedyadda iyo shaqaalaha wasaaradaasi.
Agaasimaha guud ee wasaarada biyaha C/risaaq Jaamac Nuur, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay sii sagootinayaan Wasiiru dowlihii hore, isla markaana ay si niyadsamiya u soo dhaweynayaan Wasiiru dowlaha cusub.
“Waxaan halkan mahad-naq u jeedinayaa Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Mudane C/salaam oo si hufnaan iyo karti ku dheehan u wada shaqaynay waxaan ku majeeranayaa in shaqada wasaaradda uu u hagar baxay oo uu wax weyn ka qabtay. waxaanan rejaynayaa in aanu innaga fogaan Wasiirku madaama u tagay wasaaradda deegaanka oo wada shaqeyn dhowi innaga dhexayso. Wasiiru dowlaha cusub ee wasaarada Mudane Mahdi Cismaan Buuri waxaan leeyahay soo dhawoow kollay Mahdi maaha masuul innagu cusub waa nin khibrad leh oo aan filayo inuu halkaasi ka sii qaado,” Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaarada biyuhu.
Wasiirku dowlihii hore ee wasaaradda Mudane C/salaan Maxamed Xasan, oo xafladaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “Ugu horeyn waxaan halkan mahad iyo bogaadin baa siinayaa shaqaalaha wasaaradda oo si hagar la’aana iila shaqeeyay. waxa kale oo aan bogaadin u diraya madaxweynaha oo markii hore ii magacaabay xilka wasaaradani imikana ii bedalay wasaarada deegaanka kollayna Wasiirradu waa shaqaale oo marba halkii la geeyo ayuun baa muhiima inay wax kordhiyaan oo ummada u shaqeeyaan waana sunne iska caadi ah wasaarada waxay ka kooban tahay shan waaxood oo waaweyn oo mid waliba hawl u xilsaaran tahay. waxaana agaasimayaal ka ah farsamo yaqaano khibrad leh, wasaaraddu maaha gudaha oo kaliya waa ilaa gobollada safarkaagu wuu badanaayaa saddexda habeenimo intaa lagula soo hadlo ayaa lagu odhan ceel baa dumay ama beebaa xumaaday ee Telefoonkaaga gacantu ha furnaado .aad iyo aa baan Wasiir Baashe ugu mahad-celinayaa si fiican oo wada shaqeyn leh baanu u wada shaqeynay wax badan baa noo qabsoomay muddadii aan joogay oo ay uga dambeaysay in wasaaradda biyuhu yeelato bugcad u gaar a oo shalay Madaxweyne Ku-xigeenku noo dhagax dhigay.”
Mudane Mahdi Cismaan Buuri oo ah Wasiiru dowlaha cusub ee wasarada biyaha oo dhawaan madaxweyne Siilaanyo magacaabay ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad-celiyay xilka culus ee uu u igmaday. “Waxaan u mahad-naqayaa ILAAHAY, mar ka labaadna madaxweyne Silaanyo oo ii igmaday inaan xilkan qabto Wasiir C/salaam wax weyn baa u suurto-galay, waanay muuqata anigu shaqada wasaarada ee uu yidhi C/salaam safar bay u badan tahay waxaanan muddo joogay wasaarada caafimaadka oo saacadii la doono lagu odhanayo malaariya ayaa dilaacday, markaa waxaan ahay nin gogshiisu gaadhiga u taalley. Waxa muhiima in lama waarayee qofku intuu joogo shaqada u qabta dadkiisa ka muuqato iyo shacbiga uu adeegaha u yahay,”Ayuu yidhi Wasiirul-dowlaha Cusub ee Biyuhu.
Ugu dambayn Wasiirka khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac, ayaa si rasmi ah labada Wasiiru dowle xilkii ugu kala wareejiyay.
Dawannews Hargeysa office