Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Oo Culimada Dalka Farriin Waano Ah U Diray Kana Hadlay Mawliidka Rasuulka(SCW)

0
342

“Culimada Waxaa La Gudboon Inay  Dadka ka Waaniyaan Waxyaabo Badan oo Dhib Innagu haya, Salliga Nabiguna Waa Sharci”

By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,ayaa guud ahaan culimada Somaliland u soo jeediyay  in ay bulshadda ka waaniyaan waxyaabaha khatarka  ku ah   ee jira isla markaana wakhtiga qaaliga ah ee aynu haysano in bulshada wax loogu taro oo aan lagu luminin waxyaabo aan muran iyo is qabsi u baahnayn.

Wasiir Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan,waxaa kale oo uu intaa ku daray in salliga nabiga SCW in aan muran ku jirin isla markaana aan cidna loo diidi karin ay ay salliga nabiga iyo xuskiisa ay weynayso.

“Horta Mawliidku, waa ammaanta Nabiga (SCW) kelmadda mawliidna waa Af-carabi waana  gabayo nabiga lagu ammaanayo in nabigeenna aynu jeclaano oo aynu ammaano oo aynu salligiisa badinaana waa innagu waajib oo ALLE ayaa ina faray in aynu Rasuulkeenna ku sallino cid odhan karta Mawliidka waa xaaraan oo nusuus sharciya u haysaana ma jirto,  cidda Mawliidka qabata lama odhan karo waxay galeen xadgudub diimeed sababtoo ah Mawliidku waa ammaanta nabiga (SCW) mar haddii salliga nabiga iyo jacaylka Rasuulkeenna la isugu imanayo,cid xaaraan ku sheegi karta oo daliil u haysaa ma jirto,”ayuu ydihi Wasiirka Diintu.

Sheekh Khaliil waxa uu ka hadlay illaa xadka loo baahan yahay in la muuneeyo mowliidka Nabiga, waxaanu yidhi  “Waxa la isku hayaa waxay tahay sidee  ayaa loo mawliidsanayaa oo dhalashada Rasuulka loo xusayaa,  haddii RasuulkeeNna Muxamed SCW. Addoonnimo la dhaafiyo oo dambi lagu gelayo ma banaana, in muusig  suugaan Rasuulka lagu ammaanayo Muusig la saaro oo dhiskoo laga dhigo oo qalabyada muusiga lagu tumo oo rag iyo dumar is dhex galaanna ma banaana laakiin in suugaan ammaan ah la tiriyo oo salliga nabiga la weyneeyo lama diidana.”

. “Maanta waxaa looga fadhiyaa culimada dalka in ay dadka Islaamnimo ku mideeyaan oo Culimada yar-yari ixtiraamaan Culimada waawayn oo Culimada waawaynina ay soo dhaweeyaan culimada yar yar oo mid la noqdo  oo Islaamku cadaw kaliya ayuu leeyahay ee laga nixiyo oo loo midoobo.

waxaa kale oo loo baahan yahay in culimada dadka ka waaniso qabyaaladda iyo qolo qoloda iyo xumaanta iyo is fogaynta halka ay isku maandhaafsan yihiin Saliga nabiga iyo Mawliidka. Waxaa kale oo maanta looga baahan yahay culimada dalkeenna oo dhan mid yar iyo mid weyn-ba in ay dadkeenna  wax haysta ee ALLE  maalka siiyay in ay ku waaniyaan in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadkeenna reer miyiga ah ee xoolo dhaqatada ahaa oo abaar baahsani ku dhufatay isla markaana xoolihii ka baxeen, dadkiina halis ku jiraan.”Ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo u waramayay Wargeyska DAWAN.

Leave a Reply