“Madaxweynuhu Wax Badan Buu Qabtay Taariikhda Ayaanay Gashay”

0
504

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilladda Somaliland ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Axmed  Siilaanyo ay ku tallaabsatay wax-qabad muuqda oo la taaban karo muddadii ay xilka haysay. Xildhibaan Nacnac  oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta dalka ayaa waxa uu tilmaamay in waxqabadka xukuumadda  aanay waxba  u dhimi doonin hadalada ay ku hadaaqaan xisbiyada mucaaridku.
“Madaxweynuhu wax badan buu qabtay, taariikhda ayaanay gashay. Markaa nin mucaarida oo iska qeyliya looma baahna. Waa in la taabtaa wixii la qabtay,”ayuu ku dooday Xildhibaanku.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye waxa kale oo uu sheegay in madaxweyne  Siilaanyo uu yahay Mandelaha Somaliland, taas oo uu ku kasbaday wax-qabadka muuqda ee uu hirgeliyay. Waxaanu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu labada gole ee wakiiladda iyo guurtida ka jeedin doonaa wixii uu qabtay ee uu kula baxay Mandela.”
Xildhibaanku waxa kale oo uu ka dayriyay abaar uu sheegay inay dalka ka taagan tahay, waxaanu  ku baaqay in gargaar degdega lala gaadho dadka abaartu haleeshay, waxaanu  yidhi  “Dadkeena bari illaa galbeed waad ka naxaysaa, maalin dhawayd Wajaale ayaan tagay lo’dii oo ciida cunaysa ayaan arkay, waxaan leeyahay dadkaa ha lala soo gaadho gurmad xoolihiina khatar ayay ku sugan yihiin biyana ma hayaan. Haddii abaartu sidan ku socotana dadka ayaa raaci doona markaa waa in dadkaas wax lala soo gaadho.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply