Wakiilada dawladda Suuriya ayaa meesha ka saarey in ay la bilaabaan wadahadal toos ah mucaaridka iyada oo wadahadallada nabada ee QM taageeraysaa galeen maalintii saddexaad ee ka socda magaalada Jineefa.
Hoggaamiyeyasha mucaaridka ayaa salaasadii sheegay ina y diyaar u yihiin kulan fool ka fool ah.
Haseyeeshee madaxa wadahadallada u qaabilsan dowladda Bashar al-Jaafari ayaa diiday fikradaasi, isaga oo dhiggiisa mucaaridka ku tilmaamay argagixiso.
Dhinaca kale, xisbiga muhiimka ah ee kurdishka Siiriya oo aan iyaga lagu macsuumin Jineefa ayaa qorsheynaya in uu kaga dhawaaqo hab maamul oo fadaraal ah waqooyiga dalka.
Saraakiisha xisbiga Democratic Union Party (PYD), oo maleeshiyadiisu gacanta ku hasyo dhul fidsan ilaa 400km (250-mile oo teedsan xuduuda Turkiga ayaa sheegay in nidaamkaasi ay ku wada jiri doonaan dhammaan kooxaha kala isirka ah ee halkaasi ku nool.