Cajiib :Waxay Aaminsan Yihiin Inay Farxad Keenayso!

0
618

Bulshada dalka Giriiga ayaa weli aaminsan caado yaab leh oo ay sameeyaan wakhtiyada aroosyada iyo munaasibadaha kala duwan ee caamka ah.

Caadadan ayaa ah inay dadkaasi bur-buriyaan weelka iyo suxuunta wax lagu cuno,  iyagoo u bur-burinaya sidii qof waalan oo kale wakhtiyada xafladaha.

Waxaanay  bur-burintaasi  ka dhacdaa xataa huteelada xafladaha lagu qabto iyo goobaha kale ee la isugu yimaado. Huteelada xafladaha lagu qabto ayaa iyagu ugu talo gala bur-burinta  kadib marka la dhergo.

Kooxaha cilmi nafsiga  aya sheegay in caadadani ay door weyn ku leedahay inay debciso wer-werka ka dhasha shaqooyinka. Waxa kale oo ay sheegeen inay cadaadani ka soo jeedo dhaxalkii Girigiigii  hore.

Kuwaasi  oo iyagu aaminsanaa haddii wakhtiga xafladaha iyo aroosyada weelka la jebjebiyo ay keenayso nasiib wanaagsan isla markaa ay ka fogaynayso  Jimanka iyo sharkooda.

Waxa kale oo ay aaminsanaayeen inay tahay farxad iyo nolol wanaagsan , dadka daynta lagu leeyahay ayaa iyag-na sidan sameeya iyagoo aaminsan inay awoodayaan inay iska bixiyaan daymahaasi.

Caadadan ayaa  laga isticmaalaa  Giriiga ilaa wakhtigan la joogo.  Inkastoo  dawladu soo saartay sharci lagu joojinayo  sanadkii 1969-kii,  hadda-na aaminaadan ayaa ka xoog badatay sharcigaasi.

 

Taasi  oo keentay in dawladda laftigeedu ruqsado u siiso huteelada in lagu samayn karo cadaadan waalida ah ee gabowday.

Leave a Reply