Hargeysa(Dawan)- Waxa magaalada Xidhxidh ee gobolka Sool, Isniintii toddobaadkan shir isugu yimmi madax ka kala socota Maamulka kooxda Khaatumo iyo Golayaasha Somaliland. Shirkaas oo bilow u ah sidii loo midayn lahaa hoggaanka siyaasadeed ee dadka deggan Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo kaasoo ujeedadiisu ahayd sidii meel looga wada abbaari lahaa danaha iyo dhibaatooyinka ka jira deegaanka iyo dadka ku nool deegaanadaas.
Sida lagu baahiyay degelka Internetka ee Laascaanood.com, oo aanu warkan ka soo xiganay, Siyaasiyiinta ka socota dhinaca Somaliland ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, Xildhibaan Cawil Cabdilaahi Caydiid iyo Wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland, Axmed Xasan (Casoowe).
Dhinaca maamulka khaatumo, waxa hoggaaminayey Cali Khaliif Galeydh, oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan golayaashiisa oo kala ah xildhibaan Maxamed Cali Hayaan iyo Maxamed Axmed Yaasiin.
Kulankan ayaa waxa iyaguna waxa goobjoog ka ahaa labaataneeyo xubnood oo isugu jira cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaankaa kuwaas oo ay ka mid yihiin Jiif Caaqil Cabdikariim Dhookir, Caaqil Cali Xirsi Cawl, Caaqil Xuseen Axmed Cismaan iyo Caaqil Daahir Maxamed Cumar iyo masuuliyiin kale.
waxaana gebagebadii shirkaa ka soo baxay qodobbo kooban oo ay labada dhinacba isla qaateen kuwaas oo ahaa:
1. baaq loo diray xukuumadda jamhuuriyada Somaliland iyo Khaatumo inay ka qaataan doorka kaga beegan meel marinta nabadii labada beelood ee Bahararsame iyo Khayr Cabdi (Qayaad) kuna heshiiyeen dhawaan.
2.Labada beelood ee ehelka iyo walaalaha ah oo loogu baaqay xoojinta nabadda iyo ilaalinta xasiloonida deegaanka, iyagoo kulankaa kaga codsaday inay tixgliyaan xaaladaha adag ee abaareed ee dadku ku jiraan xilligan.
Dawannews Hargeysa office