Hargaysa(Dawan)- Afhayeenka madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), ayaa been aan sal iyo raadtoona lahayn ku tilmaamay hadallo maalmihii la soo dhaafay ka soo yeedhay qaar ka mida siyaasiinta mucaaradka oo ka dayriyay xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Somaliland, oo ku sugan dalka Ingiriiska oo uu socdaal gaar ah ku tagay.
Afhayeenku waxa uu hadaaq been ah ku tilmaamay dad mucaarid ah oo sheegay in lagu samaynayo qalliin madaxweynaha Somaliland; “Wax aan waxba ka jirin in la sheego maaha madaxweynaha Somaliland sida madaxweyneyaasha caalamku xaqa ugu leeyihiin in fasax tagaan, ayuu fasax ugu maqan yahay,wax xannuun ah ama qaliina ama xaalad caafimaad darro oo madaxweynuhu ku sugan yahay ma jirto. hadalladaa iyo wararka ay ku hadaaqayaan xisbiyada mucaaridka qaar ka mid ahi, waxba kama jiraan ayaan leeyahay. anigoo afkii madaxweynaha ku hadlaya madaxweynuhu wuu caafimaad qabaa waxaana aan rajaynaynaa isagoo nabad qaba in uu dhawaan dalka ku soo noqon doono,”ayuu yidhi Afhayeenka oo shalay u waramay Startv.
Xuseen Dayr, waxa kaloo uu intaas ku daray in aanay jirin culays xukuumaddu ku hayso Golaha Guurtida oo ay kaga dalbanayso in muddo kordhin dheeraada loo sameeyo, waxaannu yidhi; “Madaxweynuhu waxa uu Golaha Guurtida u gudbiyay in waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan arrinta doorashada madaxtooyadda ee saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinku go’aanka ka gaadheen. xukuumaddu sharcina uma laha xaqna uguma laha in Golaha Guurtida cadaadis ku saarto ama ay ka dalbato in wakhti dheeraad ah loo kordhiyo xukuumadda.
Golaha Guurtidu sharciyan iyo dastuuriyanba iyagaa xaq u leh muddo kordhinta madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka. sidaas daraadeed, madaxweynuhu murrashax maaha haddii uu tartamayo wakhtigeedii ayay ku dhici lahayd doorashadda madaxtooyadu waanu heli lahaa,sidaas awgeed ma jirto cadaadis iyo xod-xodasho ay xukuumaddu ku hayso Guurtida oo ay kaga dalbanayaan in muddo kordhin dheeraada loo sameeyo xukuumadda. saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinku waxa ay isla gaadheen in 10-ka Bisha October ee sannadkan in ay dhacdo doorashadda madaxtooyaddu.”
Afhayeen Xuseen Deyr, waxa uu isna waxba kama jiraan ku sifeeyay war sheegayay in Wasiirka madaxtooyadda iyo madaxweynaha Soomaaliya ku kulmeen Sucuudiga; “Waa war aan raad lahayn, waxbana kama jiraan in ay Wasiirka madaxtooyaddu u tagay dalka Sucuudiga in uu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya. Wasiirka madaxtooyaddu waxa uu ka mid ahaa weftigii Imaaraadka carabta tagay markii ay soo dhammaysteen waajibaadkii iyo hawlihii ay qaranka u hayeen ee DP World,waxa uu Wasiirka madaxtooyaddu fasax yar oo gaaban ku tagay cimrada waana meel umadda muslimka ah u furan. xukuumad ahaan sabab uu ula kulmo Farmaajo (Madaxweynaha Soomaaliya) ma jirto. Xukuumadda Somaliland kalama hadli karto Farmaajo danaha horumarinta iyo mashaariicda aynu la galayno wadanka Imaaraadka carabta,”ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyadda, Xuseen Aadan Cigge (Deyr).
Dawannews Hargeysa office