Shirkadda Maandeeq Oo Beed Tayo Leh U Ballanqaaday Dadweynaha Somaliland

0
541

Mareeyaha shirkadda beedka ee Maandeeq Mudane Khaliil Cali Kaahin ayaa faahfaahin ka bixiyey jidkii looso maray si loo sameeyo shirkadda waddaniya oo soo saarta beed caafimaad qaba waxaana uu yidhi

“Mashruucani waxa uu ka kooban yahay  Digaaga waxaanu soo saara beedka , Mashruuca digaaga ee Maandeeq waa kii ugu horeyey ee laga hir geliyo  guud ahaan Somaliland qorshaha fikirka mashruucan waxaa la bilaabay 2013  dadaal badan ka dib  waxaa lagu guulaystay 2015 fikirka ganacisgan waxaa lahaa maamuulka guud ee shirkadda Mandeeq gaar ahaan Cabdirashiid Haybe Dubad iyo Jaamac Rooble , markaa mandeeq waxaa qaybta kowaada  kawaanka xoolaha lagu qalo qaybtani waa qaybta laabad ee Mandeeq “ ayuu yidhi maareeye Khaliil Cali Kaahin oo xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ugu waramaayay Wariye Saciid Faarax Cagjar

 

Mareeyaha  Shirkada Digaaga ee Maandeeq waxa uu ka hadlay kaalinta ay ka qaateen shaqo abuurka dhalinyaradda dalka waxaana uu yidhi  “ shirkadu waxa ay dalka kusoo kordhisay shaqo abuur waxaa ka shaqeeya mashruucan digaaga ee Mandeeq 52 qof oo dumar u badan madaama qaybta xanaanaynta ay ku wanaagsan yihiin dumarku “

Dad badan ayaa is waydinaaya tayadda beedka iyo kalsoonida lagu qabi karo caafimaadka digaaga beedka dhala , Khaliil Cali Kaahin oo ka jawaabay su’aal arrinta la xidhiidhay waxa uu yidhi “ Markii aan ogaanay tayadda beedka waxaa yaraaday beedkii debadda laga keeni jiray boqolkiiba shan iyo todobaatan waa laga maarmay beedkii debadda laga keeni jiray taasna waxaa ugu wacan tayada beedkayga , digaaga caafimaadkiisu waa kaalinta kowaad waxaa uu jooga oo la socda daryeelkiisa caafimaad laba dhakhtar oo khabiir ku ah arrimaha caafimaadka digaaga waxaa caawiya  dhalinyaro dalka wax kusoo baratay oo ka soo baxday kuliyadda xanaanada xoolaha ee jaamacadda hargeysa kuwaas oo isugu jiro hablo iyo inamo  waa koox isku xidhan oo subax walba eega xaaladda caafimaad ee digaaga”

 

Maarey Khaliil Cali Kaahin ayaa sharaxay tirada beedka ay soo saaran iyo sida ay u gaadhsiiyan magaaloyinka waaweyn ee Somaliland waxaana uu yidhi

“ Waxaanu haynaa 54.000 oo digaag ah waxa aannu soo saarana Maalintii  152 kartoon oo beed ah taas oo ugu dhintan 54,720 xabo ,beedka shirkadu hargeysa kuma koobna waxa aanu gaynaa goboladda dalka laga soo bilaabo galbeed guntii iyo bariga shishe 54.720  xabo ee beedka waxaa jira nidaam loogu qaybiyo goboladda markaa suuqi fiican ayuu leeyahay”

Sida aynu ka war hayno waxaa suuqa lagu iibya beedad kala duwan oo aan tayadooda caafimaada la hubin hadaba maxaa uu kaga duwan yahay beedka shirkadda Mandeeq

“ beedkaygu waxa uu kaga duwan yahay kuwa kale waa beed fresh oo dabiici ah  waxaa damaanad ah in uu guriga ku ooli karo iyada oo aan qaboojiye la gelin  muddo saddex bilood ah oo aanu xumanayn , waxaa dheer intaa beedkaygu waa uu ka biyo badan yahay kuwa kale ugxanta ku jirta ee huruuda ah way ka rasiisan tahay” ayuu yidhi Khaliil Cali Kaahin

 

Mareeyaha Shirkada Maandeeq Khaliil Cali Kaahin  waxa uu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyey  beedka magaaladu waa isku wada midab laakiin si loo garto kii waddaniga ahaa ee shirkadda Mandeeq soo saarto waxaan u samaynay  Shaanbad gaar ah oo ay ku qoran tahay (manadeeq poultry project)”

Leave a Reply