Macallin Jaamacad oo lagu Xukumay Xabsi Dheer

0
298

Maxkamad ku taalla dalka Hindiya ayaa xabsi daa’in ku xukuntay macallim jaamacadeed iyo afar qof oo kale.

Waxaa lagu eedeeyay inay gacan siinayeen koox mucaarad ah oo lagu magacaabo Maoist oo “qalalaaso sameysa”.

Prof Saibaba oo bare ka ahaa jaamacadda Delhi, waxaa la xiray seddax sano ka hor, waxaana mar lagu siidaayay lacag damiin ah.

Mucaaradka Maoist waxay sheegayaan inay u dagaallamayaan maamul shuuci ah iyo in ay raadinayaan xuquuqda qowmiyadda iyo dadka fuqarada ah.

Qoyska Saibaba ayaa qorsheynaya in ay racfaan ka qaataan xukunka lagu riday ee ah cumrigaa haku furto.

Maxkamad ku taalla gobolka Maharashtra ayaa Prof Saibaba iyo afar qof oo kale ku heshay “dembi ah khiyaano qaran iyo inay abaabuleen weerar ka dhan ah qaranka”.

Garsooraha wuxuu sheegay in “in kastoo uu yahay naafo, in hadana maskax ahaan uu fiican yahay”.

“Xukunka xabsi daa’inka maahan mid ciqaab ugu filan kuwa la eedeeyay”, ayuu garsooraha hadalkiisa ku daray.

Prof Saibaba wuxuu horey ugu safray gobolka Maharashtra, wuxuuna si aan qarsoodi ahayn uga soo horjeestay militariga iyo maleeshiyaad dagaal kula jira mucaaradka Maoist.

 

Leave a Reply