Donald Trump oo lagu Eedeeyay inuu Naceyb Faafinayo

0
314

Waaxda Qaramada Midoobey u qaabilsan difaaca xuquuqda aadanaha ayaa madaxweynaha Mareykanka ku eedeysay inuu hurinayo dembiyada naceybka.

Madaxa laantaasi, Zeyd Racad Al-Xuseyni wuxuu sheegay in Trump uu sababay naceybka ka dhex taagan bulshooyiinka.

Al-Xuseyni ayaa sidoo kale tilmaamay in eedaha “beenta ah” ee Trump uu u jeediyay soo galootiga ay sababeen dembiyo badan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hadalladiisa ay abuureen xadgudubyo ka dhashay naceyb.

Wuxuu Al-Xuseyni xaqiijiyay in shuruucda cusub ee socdaalka Mareykanka ay sababi doonaan is ku dhacyo badan iyo in dad badan la xidho.

“Kuwa raadsanaya inay megengelyo helaan haddii dib loo celiyo, naftooda ayaa halis galeyso waana la dili karaa,” ayuu yidhi.

Wuxuu intaa raaciyay in tallaabooyiinka Trump ay xadgudub ku noqon karaan xeerarka caalamiga ah.

Zeyd Racad Al-Xuseyni ayaa sidoo kale cambaareeyay isku deyada Trump “uu ku handadayo kuna liidayo saxafiyiinta iyo garsoorayaasha maxkamadaha”.

 

Madaxweynaha Mareykanka ayaa isniintii soo saaray amar uu ku mamnuucay in Muslimiinta kasoo jeedo lix dal ay galaan Mareykanka.

Xayiraaadda oo la mid ah tii hore waxay dhigeysaa in Muslimiinta dalalka Soomaaliya, Yaman, Suuriya, Sudaan, Liibiya, iyo Iiraan aysan gali karin dalka Mareykanka.

Wuxuu diiwaankii hore ka reebay dalka Ciraaq.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee Mareykanka ayaa sheegay in amarka cusub ee Madaxweynaha loo dhaqangelin doono si deggan.

John Kelly, wuxuu sheegay in madaxweyne Trump uu doonayo in dadka Mareykanka ay nabad iyo amni ku noolaadaan.

Amarka oo dib u eegis lagu sameeyay wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay tan iyo markii midkii hore ay hor istaagtay maxkamad federaal ah.

Amarkii hore ee Trump wuxuu mamnuucay in Mareykanka ay galaan dadka ka safraya todobo dal oo Muslimiin ah.

Wuxuu amarkaasi dhaliyay jahwareer dhanka garoomada diyaaradaha ah, ayadoo dad sitay dal ku gal sax ah dib loo celiyay.

Sidoo kale waxa uu sababay in dibad baxyo waaweyn ay ka dhacaan gudaha iyo dibadda Mareykanka.

Maamulka Trump wuxuu ku dooday in amarka uu muhiim yahay si Mareykanka nabad looga dhigo.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply