Malaysiya oo Xidhay 140 qof oo u Dhashay Kuuriyada Woqooyi

0
335

Laanta socdaalka ee dalka Malaysiya ayaa xidhay tobannaan qof oo u dhashay Kuuriyada Woqooyi oo sitay warqado shaqo oo waqtigooda dhammaaday.

Wararku waxay sheegayaan in inkabadan 140 qof  la xidhay.

Dhammaan dadkaasi waxay ka shaqeynayeen qeybaha dhismaha ee Malaysiya.

Maamulka xidhay dadkaasi waxay sheegayaan in dowladda ay ka sugayaan sida laga yeelayo.

Sidoo kale 36 qof oo kale oo u dhashay Kuuriyada Woqooyi oo sitay warqado sax ah ayaa loo sheegay inay ku sii sugnaadaan Malaysiya.

Xidhiidhka labada dal ayaa meel xun gaadhay tan iyo markii la dilay nin ay isku aabo ahaayeen hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi.

Kim Jong-nam waxaa lagu dilay garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumpur xilli uu doonayay inuu halkaaasi diyaarad ka raaco.

Waxaa khilaafka sii xoojiyay markii Woqooyiga Kuuriya ay diiday inay 11 qof oo u dhashay Malaysiya inay dalkooda u safraan.

Malaysiya ayaa dhankeeda xayirtay kumannaan qof, waxayna isku gedaamtay safaaradda Kuuriyada Woqooyi ee Kuala Lumpur ku taalla.

Malaysiya ayaa ka shakisan in laba qof oo dilka looga shakisan yahay ay ku jiraan safaaradda

 

Leave a Reply