Shiinaha oo u Digay Mareykanka iyo KuuriyadaWaqooyi

0
306

Wasiirka arrimaha dibedda Shiinaha ayaa ka digay in Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi ay ku dhow yihiin inay isku dhacaan, isaga oo tixraacaya xiisadda sii kordheysa ee ka jirta jasiirad u yaalka Korea.

Wang Yi ayaa labada dhinac ugu baaqay inay qaadaan tallaabooyin lagu qaboojinayo xiisadda.

Hase yeeshee, inkasta oo Yi uu ka hadlay wax uu ugu yeedhay ‘xasarad soo socota’, ayaa dadka fallanqeeye siyaasadda waxa ay hadalladiisa ku sheegeen kuwa tusmeenaya saameynta Shiinaha uu ku lahaa Kuuriyada Waqooyi iyo jasiirad u yaalla Kuuriyada oo sii yaraaneysa.

Wang Yi, ayaa ku cambaareeyey Pyongyang inay iska indha tireyso cunaqabateynada caalamiga ah iyo mucaaraddada xooggan ee ka dhank ah barnaamijkeeda Nuklear-ka.

Waxa uu Kuuriyada Waqooyi ugu baaqay in marka hore ay soo geba gebeyso barnaamijkeeda nuklear-ka iyo tijaabooyinka gantaal ee ay sameeneyso, islamarkaana Mareykanka uu joojiyo dhoolu-tuska milatari ee uu ka sameeyo Kuuriyada Koonfureed.

 

Leave a Reply