Malaayiin Doolar oo laga Dhacay Garoon Diyaaradeed

0
294

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in budhcad hubaysan oo ku soo labistay dharka booliiska ay dhac ka gaysteen garoonka caalamiga ah ee Johannesburg.

Budhcadda ayaa la sheegay in ay dhaceen lacago badan oo ku jirtay Konteenar.

Qiyaasta laga bixinayo lacagaha la qaatay ayaa kala duwan balse wararka ayaa sheegaya in malaayiin doolar oo laga leeyahay dalal kala duwan ay suuragal tahay in la dhacay.

Shirkadda maamusho garoonka OR Tambo, oo ah garoonka ugu mashquulka badan Koonfur Afrika, ayaa xaqiijisay in la dhacay lacag badan.

“Ma jirto wax rasaas ah oo la riday mana jiro wax dhaawac ah oo la soo sheegay. Budhcada way carareen,” waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay soo saartay shirkada Koonfur Afrika u qaabilsan garoomada diyaaradaha.

Waxaa la rumeysan yahay in raggaasi ay u fududaatay inay gaadhaan qeyb aan la ogoleyn in loo gudbo oo garoonka dhexdiisa ah.

Waxay ka dib dhaceen ilaaladii gaarka ahayd ee gaadhiga la socotay, waxayna kaxeysteen gaadhiga lacagta ay saarneyd.

Booliiska sida gaarka u tababaran ayaa diiday in ay wax faahfaahin ah ka bixiyaan weerarka budhcadda ay ku qaadeen garoonka.

Afhayeen u hadashay booliiska, oo lagu magacaabo Athlenda Mathe, oo la hadashay idaacada ENCA ayaa sheegtay in aysan wax faahfaahin ka bixin Karin inta ay dhan tahay lacagaha la dhacay.

Ilaalo ka tirsan shirkad si gaar ah loo leeyahay oo ilaalinayay lacagta gaadhiga lagu waday ayaa waxa ‘joojiyay budhcadda oo watay gaadhi leh calaamada booliiska” waxaa sidaasi sheegay ciidamada amniga.

Garoonka diyaaradaha ayaa hadda si caadi ah u shaqeynaya, mana jirto rakaab ay saameysay arrinta dhacday.

Booliska qaar waxay aaminsan yihiin in arrinta ay tahay wax la isla ogaa oo gudaha laga abaabulay.

Waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay ku soo badanayay garoonka dhaca loo gaysanayo alaabta qaaliga ah ee garoomada laga dhoofiyo.

 

Leave a Reply