Australia oo Dhisaysa Xarunta ugu Weyn Caalamka ee Dab Lagaga Dhalinayo Fallaadhaha Cadceedda

0
308

Dawlada wadanka Australia ayaa bilawday dhismaha xarun weyn oo lagu xidhaayo Solar , kaas oo noqonaaya xarunta ugu weyn ee laga dhaliyo dab loo adeegsanaayo falaadhaha cad ceeda, waxaanu noqon doonaa xarunta ugu weyn caalamka ee laga helo dabka laga dhaliyey falaadhaha cad  ceeda.

Goobtan ayaa ah beer weyn, iyada oo lagu rakibaayo ilaa 3.4 million oo Solar ah , sidoo kalena waxa la raacinayaa ilaa 1.1 million oo Beytariyo ah, kuwaas oo qayb weyn ka qaadan doona dhalinta dabkaasi .

Mashruucan oo ah mashruuc balaadhan ayaa dhamaan doonta sannadkan dhamaadkiisa, iyada oo la rajaynaayo inay dabka siiso in badan oo wadankaasi ka mid ah,waxaanay soo dayn doontaa dab dhan ilaa 330 megawatts , kaas oo ku filaan doona ilaa 10,000 oo guri.

Mashruucan oo ay qaadatay shirkad lagu magcaabo Lyon Group ayaa warbixin ay kusoo qortay wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan warbixintan kazoo xigtay ku sheegtay in ay  ku dedaalayso inay sii kordhiso dhulkan, iyada oo kusii kordhinaysa  dhul balaadhan oo kale, kuwaas oo gaadhaaya ilaa 4000 oo Sqaur .

Mashruucan waxa ku bixi doona lacag dhan ilaa 1 billion oo lacagta maraykanka ah , waxaanay  awooda xarunani inay 18 minute ba guri siiso dab dhan ilaa 100 waat.

Beytariyada ku rakiban Soolartan ayaa ah kuwo muddo dheer dabka kaydin kara, iyaga oo waqtiyada qoraxdu maqantahay dabka siin kara meelaha isticmaalaaya.

Sidoo kale Koonfurta wadanka Australia ayaa la filayaa in iyada dhowaan lagu xidho qalab laydha ama dabaysha ka dhalin doona dab, madaama oo ay goboladdaasi ku badan tahay dabayshu .

Dawlada wadanka Australia ayaa sheegtay in mashruucani yahay mid  kamid ah mashaariicda ugu dambayn dhamaan doona sannadka 2020 ee ku salaysan isticmaalka tamarta cad ceeda.

Leave a Reply