Weerarkii Kiimiko: Golaha Amniga ee QM oo Dhaliil Adag u Jeediyay Ruushka

0
293

Dalalka xoogga badan ee golaha amniga ee QM ayaa si adag ugu dhaliilay Raashiya  dhimashada weerarkii kimiko ee ka dhacay waqooyiga Suuriya.

Waxaa si weyn loo diiday marmarsiiyaha Ruushka ee ah in ay suntan sababatay   hub fallaagadu leedahay oo dhulka yaalay.

Tirada dhimashada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii kimiko ee Suuriya ayaa sii kordheysa, waxaana la sheegayaa in ay ku dhawaad boqol qof ku dhinteen oo labaataneeyo carruur tahay, halka dhaawacu ka cagacageynayo dhowr boqol oo qof.

Weerarkaasi argagaxa leh ayaa la kulmay canbaaareyn caalami ah oo ballaadhan, waxaanay QM sheegaysaa in ay ku sameynayso baadhitaan weerarkaasi duqeynta oo ah denbi dagaal.

Dalad ay ku jiraan ururo gargaar oo reer galbeed ah ayaa boqol qof gaadhsiisay tirada dadkii ku dhintay weerarkii kiimiko loo adeegsaday ee ka dhacay magaalada Khan Sheikhoun ee xarunta gobolka Idlib ee Suuriya.

Daladdan ayaa sheegtay in kiimikadan ay soo ridatay dad kale oo gaadhaya ilaa iyo 350 qof.

Dadka dusha kala socda xaaladda Suuriya, diblomaasiyiinta iyo kuwa fallanqeeya ayaa ku eedeynaya weerarkan ciidamada daacadda u ah madaxweyne Bashar al-Assad iyo xulufadiisa Ruushka.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in dhimashadu ay ka dhalatay dayuuradaha dagaalka ee Suuriya oo duqeeyay warshad hubka kiimikada sameysa oo ay mucaaradka gacanta ku hayeen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee UK Boris Johnson ayaa warka Ruushka kaga jawaabay in “dhamaan cadaymaha uu arkay ay tilmaamayaan in xukuumadd madaxweyne Bashaar al Asad ay ka dambaysay weerarkaas, ayna hub sharci darro ah u isticmaalayso dadkeeda.”

Koox xuquuqda aadanaha ee Suuriya u dhaqdhaqaaqda oo fadhigoodu yahay Britain ayaa dhimashada Khan Sheikhoun ku sheegay 72 ruux oo ay ka mid yihiin 20 carruur ah.

Muuqaal laga duubay goobta uu weerarkaas ka dhacay ayaa muujinaya dad shacab ah oo neeftu ku dhagantahay, dad goob joogeyaal ahna waxay sheegeen in markii dambana la duqeeyay rugihii caafimaad ee lagu dabiibayay dadka dhaawaca ah.

Qaar ka mid ah dadka waxaa lagu daweeyay xadka dalka Turkiga, haweenay isbitaal ku jirtana waxay sheegtay in suntu ay saamaysay, ayna ku adkaatay in ay taagnaato ayna wareertay iyada oo xannuun dareemaysa, ayna ku adkaatay in ay neefsato.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadli doona arrintan kullan deg deg ah oo ay ka yeelanayaan maanta oo Arbaca ah.

 

Leave a Reply