Baarlamaanka Benin oo Diiday in Madaxweynuhu uu Hal Waqti Xilka Qabto

0
286

Baarlamaanka qaran ee dalka Benin ayaa si dirqi ah ku diiday qorshe uu soo bandhigay madaxweyne Patrice Talon oo uu ku doonayay in  la qabto afti loogu codaynayo in isbadal lagu sameeyo dastuurka dalka, si qofka isaga badala uu hal mar oo kali ah xilka u hayo muddo lix sano ah.

Madaxweyne Talon ayaa la doortay sanad ka hor, wuxuuna sheegay in uu doonayo in la koobo wakhtiga uu madaxweynuhu xilka hayn karo si looga hortago in qofka xilka haya uu is cajabiyo ama is dhigto.

Si uu qorshahani ugu hirgalo wuxuu u baahnaa in ay meelmariyaan saddex meeloodoow labo ka mid ah baarlamaanka, balse saddex cod ayaa ka dhinaatay tiradaas looga baahnaa.

Dadaalkan uu wado madaxweyne Talon ayaa liddi ku ah sida ay rabaan madaxweyne yaal kale oo Afrikaan ah sida midka Ruwanda, kan Jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Kongo iyo Burundi kuwaas oo kordhiyay wakhtigooda si ay xilka u sii hayaan.

 

Leave a Reply