Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ka Badbaaday Baaqyadii Is casilaadiisa

0
322

Madaxweynaha Koonfur Afrika ee uu cadaadisku haystay ayaa taageero ka helay guddi awood badan oo gaadha go’aannada waawayn ee xisbiga talada haya ANC.

Guddigaas ayaa baadhitaan ku samaynayay cabashooyin ay soo gudbiyeen dad jagooyin sarsare ka haya xisbiga ANC oo madaxweyne Jacob Zuma ku eedeeyay in uu ku guuldaraystay in uu kala tashado isku shaandhayntii uu ku sameeyay golaha wasiirrada.

Markii uu ka baadhaan dagay cabashada, xisbigu ANC wuxuu go’aansaday in aanu  wax cadaadis ah ku saarin Zuma in uu is casilo, sida uu sheegay masuul ka tirsan xisbiga.

Midowga ururrada shaqaalaha ee dalka Koonfur Afrika ugu awoodda badan ayaa ugu baaqay madaxweynaha dalkaasi in uu xilka iskaga tago.

Xoghayaha guud ee Cosatu, Bheki Ntshalintshali, ayaa sheegay in Madaxweyne Jocob Zuma uusan ahayn wixii iminka ka dambeeya qofkii ku haboonaa ee waddankaasi hogaamin lahaa.

Dadkii ka soo qeyb qaatay dagaalkii looga soo horjeeday midab takoorka ayaa sidoo kale ugu baaqay xisbiga haatan talada haya ee ANC in ay dib ugu yeedhaan madaxweynaha.

Zuma ayaa wajahaya cambaareyn xoog leh ka dib markii uu shaqada ka ceydhiyay wasiirro tiro badan oo uu ka mid yahay wasiirkii maaliyadda Pravin Gordhan oo aad loo xushmeeyo.

Waxay tallaabadaasi horseedday in uu dhulka galo dhaqaalaha waddankaasi.

Ururka ay shaqaalaha ku midoobeen ayaa ka mid ah ururrada ugu awoodda badan ee gacan saarka la lahaa xisbiga haatan talada haya ee ANC, waxaana la sheegay in xubno ay  ka yihin dad gaadhaya 1.8 malyuun oo qof.

 

Leave a Reply