XUKUUMADA SOMALILAND OO KA HADASHAY MOOSHIN LA HORGEEYEY BAARLAMAANKA SOMALILAYA

0
342

Hargeysa (Dawan)-  Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hadashay xalay Mooshin lagaga soo hor jeedo heshiiskii dhawaan dhex maray Somaliland iyo Imaaradka Carabta ee Saldhiga milateri ee Berbera, meeshinkan ayaa la hor geeyey shalay  Baarlamaanka  Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr)  oo xalay u waramaayay Wargeyska Dawlada ee Dawan  ayaa sheegay in uu mooshinkaasi yahay  riyo aan soconaynin oo horseedaysa in Somaliland ka baxdo wadahadallada u socda Soomaaliya, maadaama oo ay dawladda  Ciidammada Amisom ku ilaaliyaan Muqdisho ay farogelin ku hayso mashaariicda iyo masaalixda qaranka Somaliland oo ah dal ka madax bannaan Soomaaliya.

“Mooshinkan Baarlamaanka Muqdisho wadaan waa riyo maalmeed sida xunbada oo kale u gudhi doonta. waxaa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland tallaabadaas u aragtaa farogelin iyo weerar   badheedh ah oo dawladda  Soomaaliya ay  ku soo qaaday qaranimada Somaliland. heshiiska saldhigga Millatari ee ay wadagaleen Somaliland iyo Imaaraadka carabtu waa mid sharci ah oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Soomaaliya  ma fashilin karto heshiiska saldhiga  waxase ay   soo dedejinayaan in Somaliland  ka baxdo wadahadalkii u socday Soomaaliya,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr) waxaanu intaas ku kabay;“Heshiiskani waa mid dawladda imaaraadka maalgashigeedii Somaliland kor u sii qaadaya, taasoo macnaheedu yahay in dawladda imaaraadku indhahoodii ay ka soo jeediyaan Soomaaliya, oo ay indhahooda u soo jeestaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ay dano maalgashi, ganacsi iyo mid istaraatajiyadeedba ka leeyihiin. Saldhigan Millatari  waxa uu waxtar weyn u leeyahay  aqoonsi caalamiya oo Somaliland ka hesho beesha caalamka, taasi oo caddeynaysa in caalamku wax la qabsan karo Jamhuuriyadda Somaliland.”

Afhayeenku, wuxuu   xusay in Somaliland ay doonaysay in wadahadalka dhaxeeya labada dhinac noqdaan qaar horumar laga sameeyo oo labada wadan ku kala baxaan, hase ahaatee heshiisyadii wadahadalladii hore ay mar walba dhinacooda ka jabinsay dawladda Soomaaliya.

Geesta kale Mooshinkan oo ay Baarlamaanka Muqdisho geeyeen 20 Xildhibaan, waxa laga hor akhriyay fadhigii Golahaasi yeeshay Arbacadii shalay, waxaana sida warbaahinta Soomaaliya baahisay mooshinkan ka hadlay C/llaahi Sheekh Ismaaciil iyo Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ahaa xubnihii mooshinkaas saxeexay,  waxaanay  ku tiraabeen  in heshiiska saldhiga Millatari ee Somaliland iyo Imaaraadka carabtu kala saxeexdeen yahay mid khilaafsan wax ay ugu yeedheen shuruucda caalamiga ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply