Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal Hor leh ku Ridday Badda Jabaan

0
317

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabo ahaan gantaal riddo dheer uga soo gantay dekedda dhanka bari ku taalla ee Sinpo iyada oo ku riday dhanka badda Jabaan.

Wasaaradda difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in gantaalkaasi uu hawada ku jiray qiyaastii 60 kiiloo mitir.

Waa tijaabadii u dambaysay ee Kuuriyada Waqooyi ay samaysay iyadoo waayadan dambe ay si is dabajoog ah gantaallo u tijaabinaysay, waxayse sheegtay in aysan dagaal uga gollahayn, balse caalamka ayaa ka walwalsan in ay qayb ka tahay nukliyeer ay samaysanayso.

Arrintan ayaana ku soo aaday iyadoo madaxweynaha Shiinuha Xi Jinping uu booqanayo Maraykanka si uu ula kulmo madaxweyne Donald Trump.

Labada masuul waxay ka wada xaajoon doonaan sidii wax looga qaban lahaa nukliyeerka Kuuriya iyo waliba gantaaladooda kale.

Qaramada Midoobay ayaa Kuuriyada Waqooyi ka mamnuucday in ay tijaabiso gantaallo, laakiin marar badan ayay jabisay cunaqabatayntaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Rex Tillerson ayaa tijaabintan ku tilmaamay “mid kale” oo ka mid ah gantaalada riddada dhexe, isaga oo intaas ku daray “in Maraykanku uu in badan ka hadlay xaaladda Kuuriyada Waqooyi” isla markaasna aysan wax intaas ka badan ka sheegaynin.”

Taliyaha milatariga Maraykanka ee bada baasifik ayaa sheegay in ay u muuqato in gantaalkaasi uu ahaa nooca loo yaqaanno KN-15 uuna ahaa kuwa ay riddadoodu dhexdhexaadka tahay.

Waax magaceeda loo soo gaaabiyo Norad oo Maraykanka iyo Kanada uga digta dhanka hawada sare ayaa sheegtay in gantaalka ay riday Kuuriyada Waqooyi uusan halis ku ahayn Waqooyiga Ameerika.

Dawladda Jabaan-na waxay arrintan ku tilmaantay daandaansi, Kuuriyada Koonfureedna arrintan way cambaaraysay, waxayna sheegtay in ay halis ku tahay ammaanka iyo nabadda beesha caalamka iyo waliba gacanka Kuuriya.

Ra’iisulwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa arrintan ku tilmaamay “halis heer cusub ah”.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo waraysi bixiyay dhawaan ayaa ku hanjabay in Maraykanku uu kaligii wax ka qaban doono haddii Shiinuhu aysan gacan ka gaysanin wax ka qabashada xaaladda dalka ay dariska yihiin

Shiinaha ayaa inbadan ahaa saaxiibka ugu dhaw ee dublamaasiyadda Kuuriyada Waqooyi iyo waliba saaxiib dhanka ganacsiga.

 

Leave a Reply