Madaxweynaha Kolombiya oo Difaacay Gurmadkii Dawladdiisa

0
284

Madaxweynaha dalka Kolombiya Juan Manuel Santos ayaa ka difaacay dowladiisa eedeymo loo soo jeediyey oo la xidhiidhay sidii ay wax uga qabatay dhiiqadii ku soo rogmatay Magaalada Mocoa, wuxuuna sheegay in hay’adaha samata bixin la abaabulay oo la hawl geliyey saacado yar un ka dib markii ay musiibadaasi dhacday.

Santos waxa lagu dhaleeceeyey sida gaabiska ah ee ay dowladdiisa gargaarka u gaadhsiisay dadka ay dhibaatada ku dhacday balse wuxuu BBC-da u sheegay in ay tahay arrin caadi ah oo la filan karo in dadka dhibaatadu soo gaadhay ay eedeeyaan dowladda.

Wuxuu musiibada ku eedeeyey in ay sababtay  isbadelka cimilada oo ay sababeen waddamada qaniga ah oo dhibaato ku keenay cimilada dunida

Ugu yaraan 263 qof ayaa dhintay ka dib markii dhagaxaan iyo dhiiqo isla socda ay ku habsadeen magaalada aroortii hore ee Sabtida.

Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegaysa in in ka badan 300 oo qof weli la la’yahay

Roobab da’ay habeenkii ayaa waxaa ka dhashay daadad sababay in ay soo dumaan buuraha iyo sidoo kale in ay sare u kacaan heerka biyaha ee webiga Mocoa iyo ilaha ka baxa taasi oo keentay in biyihii ay cagta mariyaan magaalada.

Madaxweyne Santos ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhaqaale, mid degaan waxa uuna codsaday in loogu deeqo lacag dhan 13.9 milyan oo doolar si wax loogu qabto dadka ay musiibadan saamaysay.

Balse dad badan oo kunool magaalada ay dhibaatadu ka dhacday ayaa ku eedeeyey dowladda in si gaabis ah ay wax uga qabatay arrinta isla markaasiina aanu jirin wax qorshe ah oo horay loo sii dejiyey

‘Waa arrin iska caadi ah dadka ay soo gaadhay dhibaatadan in ay la soo deristo welwel iyo walaac oo ay eedeyn dusha uga tuuraan qofka ay doonaan, gaar ahaan dowladda’ sidaasi waxa yidhi madaxweyne Santos

Waxa uu raaciyey ” waxaan idin sheegi karaa in aanay jirin si la mid sidii deg dega ahayd ee aan uga jawaab bixinay musiibadan. Xitaa ma jiro waddan sidaas deg deg ah uga jawaab bixiyey arrintan.”

 

Leave a Reply