Dhakhaatiir ka Socda Wasaaradda Beeraha iyo Xoolaha Sucuudiga oo Baadhaya Tayadda Maxjarrada Somaliland

0
250

Berbera (Dawan)- Wefti dhakhaatiir ah oo ka socda Wasaaradda Beeraha iyo Xoolaha ee waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa markii ugu horreysay socdaal rasmi ah oo ku saabsan xaqiiqo-raadis ku yimi dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhakhaatiirta ka socda dawladda Sucuudiga oo ujeeddada safarkoodu la xidhiidho sidii ay baadhitaanno caafimaad iyo kormeer ugu samayn lahaayeen maxjarrada lagu hubiyo caafimaad-qabka xoolaha nool ee Somaliland ka dhoofa oo dhowaan dalkaasi xayiraad ku soo rogay, waxa Madaarka caasimadda Hargeysa oo ay ka soo degeen maalintii Khamiista ee toddobaadkan ku soo dhoweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Weftiga dhakhaatiirta Wasaaradda Beeraha iyo Xoolaha ee Sucuudi Carabiya ka socda oo ay horkacayaan masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, ayaa u baqoolay dhinaca magaalo-xeebeedda Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil gelinkii hore ee shalay, iyagoo halkaas ka bilaabay kormeer ay ku qiimaynayaan xaaladda maxjarrada lagu caafimaadiyo xoolaha nool ee dibadda loo dhoofiyo.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cali Maxamed Cilmi oo gadh-wadeen u ah dhakhaatiirta Sucuudiga, ayaa warbaahinta u sheegay in ujeeddada safarka weftigu salka ku hayso sidii dawladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya xayiraadda uga qaadi lahayd xoolaha nool ee Somaliland, isagoo rajo fiican ka muujiyey in natiijada baadhitaannadoodu fure u noqoto in xanibaadda laga qaado dhoofka xoolaha.

“Dhakhaatiir ka socota dalka aynu walaalaha nahay ee Sucuudiga, eegi doonana dhammaan maxjarrada dalka oo dhan ka furan, iyaga oo eegi doona inay heerka caalamka waafaqsan  yihiin iyo in kale, waxaanuna ku rajo weynahay marka ay noqdaan in xooluhu inoo furmi doonaan. Bushaaradaas ayaannu dadweynaha reer Somaliland u sheegaynaa,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland.

Duqa Berbera Md. Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin) oo weftiga ku soo dhoweeyey magaaladiisa, ayaa si weyn dawladda Sucuudiga ugaga mahadnaqay dhakhaatiirta ay u soo dirtay Somaliland, “Dhakhaatiir ka socda Sucuudiga oo ay waddo Wasaaradda Xannaanada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan leeyahay ku soo dhowaada magaalada Berbera. Insha Allahu waxaan rajeyneynaa inay wax wanaagsan inala qaban doonaan,” ayuu yidhi Maayar Ciddin.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Wasiirul-dawlaha Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdirashiid Riyo-raac, waxaannu yidhi; “Aad iyo aad ayaannu ugu mahad-celineynaa dawladda Sucuudiga iyo shacabkooda iyo dhammaan dhakhaatiirtan. Xaqiiqo-raadintaas kadib waxaannu rajeynaynaa in xoolaheenna si dhaqso ah loo furo. Dhakhaatirtani markii ay dalka yimaaddeen waxay isla markiiba nagu soo booqdeen xarunta Wasaaradda Xanaannada Xoolaha ee caasimadda Hargeysa,  ujeedada socdaalkooduna waa sidii ay hubin lahaayeen caafimaadka xoolaheenna, annaguna waannu uga mahad celineynaa qaran ahaan,” ayuu yidhi Mr. Riyo-raac.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply