Shirkadda samaynta diyaaradaha dagaalka ee Lockheed Martin ayaa hoos u dhigtay sicirka ay ku iibinayso diyaaradeheeda dagaalka ee ay soo saarto, iyada oo hoos u dhac weyn ku samaysay lacagta ay diyaaradahaasi ku iibiso .
Diyaaradaha ay hoos u dhiga ku samaysay qiimohooda ayaa ah diyaaradaha dagaalka ee ay isticmaalaan ciidamada cirka iyo kuwa badda ee Fifth Generation-ka loo yaqaano, kuwaas oo sidoo kalena loo yaqaano F-35C.
Diyaaraddahan ayaa hadda lacagtooda laga dhigay $100 million oo Dollar, halka ay markii hore ahaayeen 121.8 million , waxaanay ahaayeen kuwa ugu qaalisan marka loo eego diyaaradda F-35 ka.
Wargeyska The Hill oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan oo warbixin dheer ka qoray hoos u dhacan ayaa sheegay in ay shirkaddani ka faa’idaysanayso waqtigan kala guurka ah oo lagu soo bandhigaayo diyaaraddahaasi carwo ku taala wadanka Ruushka.
Afhayeen u hadlay shirkadaasi ahna ninka u qaabilsan Pentagon ka ayaa sheegay dhowaan in laga yaabo in sicirka diyaaraddaha F-35 uu gaadhi karo meel hoose, gaar ahaana 80 ilaa 85 million oo Dollar sannadka 2019 ka.
Mr Chris Bogdan ayaa intaasi raaciyey in dibada wadanka Maraykanka laftiisa uu hoos u dhac ku iman doono diyaaradahan, iyaga oo gaadhi kara lacag dhan ilaa $94.6 million .
Madaxweynaha Maraykanka ayaa isna wada qorshe uu doonaayo inay ciidamadiisu ku isticmaalaan diyaaradda Jiilka Shanaad ee dagaalada, kuwaas oo cusub waqtigan , laguna daray qaybo hubka xambaari kara.