Abuhurayra wuxuu ka wariyey Nabiga (scw) inuu yidhi: “ Ninbaa naftiisa ku xadgudbay, waligiina wax khayr ah muu samayn, ka dibna waxa ku soo ka diyey geeridii markaasu u dardaarmay qoyskiisii oo ku yidhi: “ Markaan dhinto maydkayga guba oo danbayskayga waxaad qayb ku tuurtaan Badda, qaybta kalena Barriga ama dabaysha.
Ninkii markuu dhintay ayuu Allah (sw) Badda ku amray inay keento wixii lagu tuuray, Barriguna keeno wixii lagu tuuray. Kadibna ninkii oo sidiisii ah ayaa wuxuu hor istaagay Allah (sw), markaasaa la waydiiyey: “ Maxaa kuugu wacan inaad ficilkan samayso ? Wuxuu yidhi: Ilaahayoow cabsidaada! Ilaahayna waa u danbi dhaafay. (Bukhaari iyo Muslim (3246).