Guddoomiyaha Awdal oo si Adag ugu Jawaabay Cabdiqaadir Jirde

0
347

Boorame (Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Awdal,  Mustafe Cabdi Ciise  (Shiine),  ayaa  ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga mucaaradka ee Waddani,  Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo si qaawan u weeraray madaxweyne Axmed Siilaanyo   oo uu ku eedeeyey inay dad aan la soo doorani xukumaan waddanka.

Guddoomiye Shiine  oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta, ayaa sheegay inuu dalka xukumo madaxweyne Axmed Siilaanyo, oo ay shacbkiisu ku doorteen cod aqlabiyad ah, waxaanu   ku tilmaamay in uu yahay siyaasi ruug caddaa ah  oo taariikh ku leh dalka.

“Dalka waxa madaxweyne ka ah Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah siyaasi ruug-caddaa ah  oo taariikh ku leh  waddanka, mucaaradkuna waxay akhriyi kari la’ yihiin siyaasadiisa. waxaan maqlayay Cabdiqaadir Jirde oo leh, afar inan ayaa dalka ka taliya, anigu garan maayo afarta inan  ee  dalka ka taliya,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Awdal.

 

Mustafe Shiine waxa kaloo  uu intaas ku daray;  “Cabdqaadir Jirde waxa uu ka mid yahay ragga waayeelka ah ee dalku leeyahay, waxaanu  qayb libaaxle ka soo qaatay dhismihii dalka, sida aanu u ixtaraamayo ayay ahayd in uu u ixtiraamo madaxweyne Siilaanyo,  dalkana madaxweyne Siilaanyo ayaa ka taliya, waa kaa soo saaray dhallinyarada  ee siyaasada soo geliyay wixii uu nagu soo jiitay ayay ka mid ahayd oo uu lahaa ila shaqeeya, madaxweyne kasta oo joogana haybtiisa laga waayi maayo, ninka Siilaanyo saluugayna meel kale ayuu u sii jeedaa.”

Dhinaca kale Mustafe Shiine waxa uu sheegay in gobalka Awdal ay si fiican uga  socoto hawsha bixinta kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinka waxaanu  yidhi; “Qaybinta kaadhka codbixiyeyaash si fiican ayay uga socotaa gobolka Awdal,  marka hawl la qabanayana galdaloolooyin lama waayayo, komishanka doorashooyinkuna intii tamartiisa ah way ddaalayaan, wixii qaladaad ah ee soo baxana waa laga wada hadlaa,  wixii soo kordhana waxa aanu jecel nahay in la saxo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply