Madaxweynaha oo Salaadii Jimcaha la Tukaday Dadweynaha Berbera Shalay

0
310

Berbera (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  oo labadii maalmood ee  u dambeeyay socdaal hawleed ku joogay magaalada Bebera, ayaa shalay salaadii Jimcaha  dadweynaha kula tukaday masaajidka weyn ee Khaalid Bini-walid.

Madaxweynaha ayaa gacan qaaday qaar ka mid ah shacabkii masaajidka kula tukanayey, markii salaada laga baxay, waxaanay dadweynihii ku sugnaa Masaajidkaasi iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Berbera ay madaxweynaha ku bogaadiyeen sida kalsoonida leh ee uu bulshadiisa ugu dhex tukaday.

Imaamka Masaajidka ayaa Alle uga baryey inuu cimriga u dheereyo madaxeynaha Somalilland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo xukuumadiisa ba. Tallaabadan uu madaxweynuhu qaaday Ayaan ahayn mid ugub, balse waa dhaqan uu laasimay madaxweynuhu in uu bulshadiisa la tukado Masaajidada, iyo in uu booqda meelaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply