Wasiirro Sheegay in Xuseen Axmed Caydiid ku Mutaysan Karo Maxkamad Eedaymaha Aanu Caddeynta Lahayn

0
315

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka  Dhaqanka iyo Dalxiiska, Khadar Xaaji Yuusuf iyo Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan,  ayaa ka jawaabay eedo qoyska madaxweynaha  uga yimmid Xuseen Axmed Caydiid, waxaanay u soo jeediyeen  in mucaaridnimadu ay tahay toosin, laakiin aanay ahayn aflagaado iyo dhaleecayn. Waxaanay sheegeen inuu maxkamad ku muddan karo hadallada aanu caddaynta u haynin.

 

 

Wasiirradu waxay  sidaasi ka sheegeen  shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa, waxaanay  tilmaameen  in ay qoyska madaxtooyada ka xaal marinayaan hadallada deel-qaafka iyo qadafka ah ee ka soo yeedhay  Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI horena uga ahaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Wasiirka Caddaaladda.

 

Wasiirka Dhaqanka oo ugu horreyn shirkaasjaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi;  “Mar walba Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu ka hadlaa oo uu aflagaadeeyaa qoyska madaxtooyada, taasi annaga ceeb ayay nagu tahay xaalla  waanu ka siinaynaa marwada madaxweynaha ee uu mar walba leeyahay Women’s Club-kii ayay  iibsatay, Women’s Club-ka cidda iibisay iyo cidda xukunka haysay ee gacanta ku haysayba waa Cabdirisaaq Khaliif, waxaanu ka iibiyay  ina Aw Siciid, warqadda ayay ku caddahay lacagtii uu ku iibiyay, haddii uu Xuseen leeyahay marwadu si shakhsiya waxba uma iibsan kartana isaga ayaa sheegi doona.”

“Maaha mucaaradnimadu in cid uun la dul taagnaado oo mar walba cid gaara laga hadlo, wey na damqeysaa, mucaaradnimadu waa wax toosin iyo wixii khalad ah ee xukuumaddu khalado inuu toosiyo weeyaan, inuu dhibaato ka dhigo maaha, toosintana waa loo ogol yahay qofkii mucaarida. haseahaate looma ogola cirdiga iyo sharafta qof leeyahay inuu meel kaga dhaco,”ayuu yidhi Wasiir Khadar Xaaji.

 

Wasiirku isagoo si gaar ah ula hadlayay Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu yidhi;  “Maanta ceeb ayay kugu tahay dawladdii shanta  sannadood aad difaacaysay ayaa wixii aad ku difaacaysay aad haddana maanta ku ceebaynaysaa, sidii marka hore sax ay u ahayd uun bay imikana sax u tahay, wixii khaldanaana khalad buu ahaa ummaduna waa ay kaa wada dharagsan tahay, haddii ay tii ururkii Xaqsoor tahay iyo haddii ay tii gobolka Hawd tahayba, sababta dawladda iyo xukuumada kala fogeysayna kow baad ka ahayd, markaad adigu ka dhex-baxdayna xukuumadda iyo shacabkeedii waa ay isku soo dhawaadeen.”

 

“Mucaaridnimada waa inaad barataa, laakiin aanad ka dhigin mid aad qof sharaftiisa meel kaga dhacaysid, haddii aad mar walba qoyska madaxtooyada uun ka hadasho iyaga oo shan  sanno ku ilaalinayay adigay ceeb kugu tahay, haddii markii aad wasiirka ahayd aad ka hadli weyday waxaa aad arkeysay maanta lagaa aqbali maayo waan ka hadlayaa,” ayuu yidhi Wasiirka dhaqanku.

 

 

Wasiir Ku-xigeenka hawlaha guud, Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamey eedaha  uu Xuseen Axmed Caydiid,  waxaannu yidhi; “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,  waa nin nadiifka ah musuqmaasuqa, waxaa guriga Women’s Club-ka  iibiyay 2015-kii bishii September, waxaa saxeexay wasiirkii hawlaha guud ee wakhtigaasi Cabdirisaaq Khaliif, nimanka maanta Waddani ku jiraa waxay ahaayeen nimankii markaa madaxweyne Siilaanyo la shaqeynayay, meel ay ku caddahay in qoyska madaxweynaha xukuumaddu ka iibisayna ma jirto. waxaannu ummada Somaliland ee caqliga wanaagsan u sheegaynaa inay tahay been cad oo aan sal iyo raad toona lahayn  oo loola badheedhay qoyska madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  waxaanay u muuqataa siyaasad xumada iyo caqli xumada Xuseen Axmed Caydiid ee ku salaysan ceebaynta iyo magac dilka qoyska madaxweynaha ayaanu u aragnaa.”

“Xuseen cirka kamuu soo dhicin ee waa siyaasi muddo shan sannadooda ka tirsana xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaanu ahaa masuuliyiintii ugu horreysay ee iibisa hantida dawladda, gurigii uu ku jiray ee dawladda ee la yidhaahdro D-40 waxaa uu ahaa masuulkii ugu horreeyay ee iibiyay ee guriga maanta uu dagan yahay uu ka dhistay dhul badan oo shacabka ku yaalayna Xuseen waxaa uu ahaa ninkii iibiyay, isaga oo intaas oo boog ah qaba in uu maanta warbaahinta soo fadhiistaa waa ayaan-darro, waxaannu  u aragnaa arrin mustaxiila waana wax uu maxkamad ku muteysan  karo,”ayuu yidhi, Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud.

Wasiir Liibaan, waxa uu sheegay in xisbiga Waddani aanay isbeddel ku keenaynin Xuseen Axmed Caydiid iyo qeyrkii; “Xuseen  maadaama oo aanu caddayn u haynin  eedaha uu  warbaahinta ka sheegayo ee uu qoyska madaxweynaha ku dhaliilayo, mawqifka siyaasiga ah ee uu taagan yahayna aanu ahayn ka mar walba ummadu ku raacayso, Xuseenoow beddel siyaasadda madhalayska ah ee ay gundhigga u tahay  nacaybka, aflagaadada iyo cunfigu adigana meel ku gaadhi maysid ummadana meel ku gaadhsiin maysid, ummada  uga tudh hadallada aan macnaha badan lahayn, xisbiga Waddani ee ku hadaaqa inay samaynayaan isbeddel waxaannu u sheegaynaa inaan Xuseen iyo qeyrkii toona aanay isbeddel keenaynin,”ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply