Ciraaq oo Diiday in Qadar Lacag Madax furasho ah Siisay Kooxo Hubeysan

0
1963

Ra’iisal wasaaraha Ciraaq ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeymo warbaahinta Sucuudiga iyo Imaaraatka carabtu faafiyeen oo sheegayay in Qadar siisay lacag madax furasho ah oo gaadheysa $500m oo doolar kooxo hubeysan oo shiico muslim ah si ay u sii daayaan 26 Qadariyiin ah  oo ugaadhsato ah oo lagu heystay Ciraaq gudaheeda.

Waxa uu sheegay in lacagtaasi la siiyay  dowladda Ciraaq oo ay weli xisaabtaasi ku jirto baanka dhexe ee Ciraaq, balse aaney aheyn mid la siiyay cid kale.

Arrintan ayaa soo shaac baxday maalintii toddobaad ee xayiraada ay Qadar ku soo  rogeen  dalalka Sucuudiga, Baxreyn iyo Imaaraatka carabtu iyo dalal kale oo ay ku jirto Masar , kuwaas oo u jarey xidhiidhkii dublomaasi iyaga oo ku eedeynaya in ay Dooxa taageerto wax ay ku sheegeen argagixiso, waxaana loo arkaa in madax furashada la sheegayna tahay tallaabadii ugu danbeeyay.

Dowladda Qadar ayaa ku celcelisay  dafiraada dhammaanba eedaymahaasi  ay u soo jeediyeen  dalalka khaliijku, waxaaney dalalkaasi  intaa ka daba keeneen  in lacag madax furasho ah oo loo bixiyay si loo sii daayo Qadariyiintii lagu afduubtay Ciraaq la siiyay kooxo argagixiso ah.

 

 

Leave a Reply