Iiran oo Dayaarado Raashin ah u Dirtay Qadar

0
409

Iiran ayaa dalka Qadar u dirtay diyaarado sida cunno, ka dib markii xiisadda ka taagan Khaliijka ay saamaysay wax soo dhoofsashada dalkaasi yar ee ay isku kacsan yihiin waddamada jaarka la ah.

Shirkadda diyaaradaha qaran ee Iran ayaa sheegtay in shan diyaaradood oo sida cunno iyo khudaar ay u duuleen dalka Qadar.

Ilaa iyo hadda lama sheegin in cunnadaasi ay tahay gargaar, ama in ay iibsatay Qadar.

Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo dalal kale oo gobolkaasi ku yaalla ayaa jaray xidhiidhka dhulka, badda iyo hawada ee ay la leeyihiin Qadar, waxaana taasi ka dhalatay cabsi ah in dalkaasi ay soo food saarto cunno yari.

Dalalka deriska la ah Qadar ayaa xannibaadaasi saaray, ayagoo ku eedaynaya in ay taageerto ururada jihaadiga ah, ayna xidhiidh dhaw la leedahay Iran.

Xukuumadda Dooxa ayaa beenisay eedeymahaasi loo jeediyay.

 

Leave a Reply