Nin Qori ka Xoogay Askariyad Jarmal oo Iyadii Toogtay

0
491

Askariyad ka tirsan booliiska dalka Jermalka ayaa madaxa xabbad lagaga dhuftay ka dib markii uu nin ka xoogay qorigii ay wadatay iyada oo ku sugnayd magaalada Munich.

Gabadha booliiska ah oo 26 jir ah ayuu soo gaadhay dhaawac halis ah labo ruux oo kale oo iyaguna taagnaa boosteejada tareennada ee Unterföhring S-Bahn ayay dhaawacyo sahlan soo gaadheen, sida ay booliisku sheegeen.

Booliiska ayaa dhaawacay ninkan qoriga qaatay oo hadda la hayo, booliisku waxay sheegeen in uusan fal argagixiso ahayn.

Booliis aad u badan ayaa ka hawlgalaya Unterföhring waxaana albaabada loo laabay khadadkii tareenka.

Laakiin booliisku waxay sheegeen in aysan jirin halis kale oo bulshada ku soo leh.

Ninka ayaa riday ugu yaraan shan xabbadood, dhaawac sahlan ayaa isna gaadhay ka dib markii ay booliisku rasaas ku rideen haddana su’aalo ayaa la waydiinayaa.

Telefeshinta German n-tv ayaa sheegay ninkanu in uu yahay 37 jir Jermalka u dhashay oo reer Munich ah.

 

Leave a Reply