Hargaysa (Dawan)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa guul qaran ku tilmaamay go’aamadii ka soo baxay heshiiskii ay Sabtidii todobaadkan magaaladda Hargaysa ku wada gaadheen Somaliland iyo maamulka Khaatumo.
Waxaanu sheegay in arrintaasi ay tahay tallaabo ay Somaliland u qaaday xagga wanaagsan, isla markaana ay ka mid tahay waxyaabihii ay ku soo caano maashay oo ah in wadahadal la isku qanciyo cid kastoo wax tabanaysa Bari iyo Galbeed-ba.
Baashe Maxamed Faarax, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay qodobka ka midka ah heshiiskii ee sheegaya in la furo dastuurka Somaliland, kaasi oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid aad loogu baahan yahay wakhtigan.
Waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad u hambalyaynayaa in la soo gunaanaday heshiiskii mudadda u socday Somaliland iyo Khaatumo. Wadahadalkii shalay-na (doraad) si wanaagsan ayuu u soo dhamaaday, waanan ku bogaadinaynaa labadda dhinac ee wada hadalka waday, aad iyo aad ayaanan u soo dhawaynayaa.
Waa wixii aanu raadinaynay, waa wixii aanu halkan (Somaliland) u joognay, waana tallaabo ficil ah oo hore loo qaaday. Qof kastoo wax tabanaya Bari ilaa Galbeed in sidaas loo qanciyo oo loo wada hadlo, waa inta ay Somaliland ku dhisan tahay, waana intii aynu ku soo caano-maalnay.
Waxaynu doonaynaa in Somaliland is-raacdo, oo nabad ku wada noolaato, oo wixii la tabanayo la iska shaafiyo, oo la iska daaweeyo. Somaliland in ay wada hadasho, oo qofkii wax tabanaya la qanciyo, oo dhaqankii aynu lahayn sidii uu ahaa la raaco, oo la wada tashaddo, oo ninkii wax tabanayaa uu miiska soo fadhiisto, oo Qoriga la iska dhigo, oo Qalin lagu xisaabtamo”.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda waxa uu xusay in wixii tabashooyin ah ee jira iyo waxyaabaha kale ee soo kordhaba lagu dhamaystiri doono shirka loo balansan yahay in uu bisha danbe ka qabsoomo magaaladda Burco.
“Waxaanu u aragnaa heshiiskii doraad guul u soo hoyatay Somaliland iyo guul u soo hoyatay dadka degan degaamadda Khaatumo oo ay dhibaato badani ka jirto, oo ka hadhay tacliintii iyo dhaqaalihiiba. Madaxweynaha Somaliland wuu ka soo baxay balantii uu qaaday iyo gogoshii nabadeed ee uu dhigayba. Burco ayaa hadda lagu balamay, waxaanan rejaynayaa in wadahadalku intaa ku soo af-go, wixii beelahaas ah ee dhamina ay ka soo qayb galaan.
Wixii hadhsa-na Burco lagu dhameeyo, wixii kale ee soo kordha ee la tabanaya-na in halkaa lagu dhameeyo ayaan rejaynaynaa” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.
Waxa kale oo uu sheegay in baarlamaanka Somaliland hore u ogolaaday in wadahadal lala gallo Khaatumo, qodobadda ay tafsiir uga baahdaa-na ay gudiga wadahadaladda qaabilsan wax ka waydiin doonaan marka uu furmo fadhiga goluhu.
Guddoomiye Baashe, ayaa si gaar ah u dul istaagay qodobka ku saabsan in maamul-daadejin laga sameeyo degaamadda Bari, kaasi oo uu xusay in aanay si cad u fahmin maadaama oo maamulka Somaliland uu gaadhsiisan yahay ilaa Taleex.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Baarlamaanku hore ayuu u Ayiday in wadahadal lala furo Khaatumo, imika marka golaha la fura-na waanu eegaynaa qodobadii laga soo saaray wadahadalka, wixii aanu tafsiir uga baahano, sida qodobka maamul-daadejinta woxoogaa fahamkiisu wuu nagu yar yahay, laakiin gudiga wadahadaladda qaabilsanayd ayaanu waydiin doonaa waxa loola jeedo maamul-daadejinta. Waayo? maamulku imikaba wuu daadejisan yahay oo wuxuu joogaa ilaa Xaysimo”.
Dhinaca kale guddomiye Baashe, oo la waydiiyay aragtidiisa ku aadan qodob ka mid ahaa heshiiskii Sabtidii ay Hargaysa ku wada gaadheen Somaliland iyo Khaatumo oo sheegayay in dastuurka Somaliland la furro, ayaa soo dhaweeyay arrintasi waxaanu sheegay in loo baahan yahay wakhtigan in la furo dastuurka.
Isagoo arrintaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Dastuurkeenu muddo badan ayuu xidhnaa, in la furaana waa muhiim. Ma aha Bari oo qudha, balse waxaa jira dad kale oo badan oo iyag-na wax tabanaya, dastuurkeenu-na muddo badan ayuu jiray, oo aan xataa hal xaraf laga bedelin.
Markaa waan qabaa in dastuurka la furro, ka hor inta aan la furina dadka oo dhan laga wada qayb geliyo, oo laga tashado, oo la is-waydiiyo maxaa faa’iido ah ee inoogu jirta dastuurka furitaankiisa? Markaa cid kastoo wax tabanaysa, qof waliba meel buu qodob ka eegayaaye, waa in la is-la eego.
Markaa in dastuurka la furaa waa waajib, dastuurku-na wax iska taagan uun maahee, waa in markii loo baahdo wax laga bedelaa. Laakiin waa in marka hore laga wada hadlaa sababaha loo furayo iyo qodobadda la rabo in wax laga bedello.”
Dawannews Hargeysa office