Radio France 24 oo Somaliland ka Furanaya Laan ku Hadasha Luuqada Faransiiska

0
330

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cismaan C/laahi Saxardiid (Caddaani), ayaa dalka ku soo dhaweeyay  madaxa qaybta Afrika  ee idaacadda  caalamiga ah radio  France 24 oo laga leeyahay dalka Faransiiska.

 

U jeeddada safarka ay  Hargaysa  ku yimaadeen xubnahan ka socday Radio   France 24  ayaa la sheegay in ay la xidhiidhi  iyagoo doonaya in ay Somaliland ka furtaan idaacad ku hadasha luuqadda Faransiiska.

France 24 oo xaruntiisa dhexe ku taallo   dalka Faransiiska ayaa xarumo ku leh  37 wadan  oo ku yaalla qaaradda Afrika. Weftigan ka socday  France 24  ayaa soo kormeeray qaybaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta Somaliland sida TV-ga radio Hargaysa iyo wakaaladda wararka qaranka ee SOLNA. Wasiirka Warfaafinta Somaliland iyo xubnahan ka socday  radiyaha  France 24  oo  kadib markii ay kormeerkaasi soo dhamaysteen   si wada jir ah  shir jaraa’id ugu qabtay   xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaaladda Hargaysa, ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedadda socdaalka ay Somaliland ku yimaadeen.

Cismaan C/laahi Saxardiid (cadaani), oo ugu horayn  halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi    “Waxaa maanta (shalay) halkan nala jooga oo booqasho noogu yimid  ninka madaxda ka ah radio France 24, oo aanu muddo ka wada hadlaynay  sidii ay Somaliland uga furan lahaayeen qayb   ku hadla luuqadda Faransiiska.

Waa markii u horaysay ee ay Somaliland yimaadaan madaxda radio France 24 ee Afrika iyo xubnahan la socdaaba, waxaanan filayaa in ay  si  dhakhso ah Somaliland uga furtaan waaxdaasi. Xidhiidh wanaagsan in aan la yeelano ayaan doonaynaa Faransiiska”.

 

Waxa kale oo uu sheegay wasiirka warfaafinta Somaliland in ay rejaynayaan in dhawaan ay dalka iman doonaan koox kale oo ka socda radio France 24, isla markaana ay kala saxeexan doonaan qandaraaska la xidhiidha in ay Hargaysa ka furtaan xarun.

“Waxaan rejaynaynaa in ay dhawaan Somaliland iman doonaan koox kale oo ka socda radio France 24,  oo aanu wada saxeexan doonno  qandaraaska la xidhiidha in ay  Hargaysa ka furtaan idaacad ku hadasha luuqadda Faransiiska.

Runtii waan ku faraxsanahay in ay Somaliland yimaadaan  kooxdan ka socda radio France 24,  oo ay xarun ku yeeshaan Somaliland. Xagga radio-ga  oo qudha  maahee, waxaanu doonaynaa oo kale  in  TV-ga  caalamiga ah ee France 24 isna xarun ka samaysto Somaliland.

Radio-ga France 24, wuxuu xarumo ku leeyahay  37 dal oo Afrika ku yaalla. Innagu-na waxaan rejaynaynaa in aan noqo wadankii 38-aad” ayuu yidhi wasiir Cadaani.

 

Wasiir Cadaani, ayaa sidoo kale  u mahad celiyay Dr. Edna Aadan Ismaaciil, oo ka soo shaqaysay safarka ay Somaliland ku yimaadeen    xubnahan ka socday France 24. Waxaanu yidhi    “Arrintani may dhacdeen haddii aanay marwo Edna Aadan Ismaaciil, kula kulmin dalka Faransiiska,  runtii aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa Adna”.

Geesta kale madaxa  qaybta Afrika ee idaacadda France 24, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wasiirka uga  mahad celiyay sida wanaagsan ee uu dalka ugu soo dhaweeyay Somaliland, isagoo  xusay in ay tahay markii u horaysay ee uu yimaado Somaliland.

Waxaanu yidhi “Marka hore waxaan u mahad naqayaa sida wanaagsan ee uu noo soo dhaweeyay wasiirka warfaafinta iyo wacyigeinta Somaliland. Waa markii u horaysay  oo aan safar ku imaaddo Somaliland, intii aan joogayna waxaan la kulmay dad  kala duwan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply