Faysal Cali Waraabe oo Duray Puntland Baaqna u Diray Xukumadaha Somaliland Iyo Itoobiya

0
367

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ahna Musharaxa Madaxweyne ee xisbigaasi Faysal Cali Xuseen ayaa kukumadda dalka Itoobiya ugu baaqay in aanay dalkooda ka soo gudbin cid wax uu dhimaysa wada nolaanshaha iyo nabadgelyadda Somaliland  .

Guddoomiyaha UCID oo ka hadlaayey madal lagu sagootinaayey waftigii maamulka Khaatumo ee todobadkii hore heshiiska la saxeexday Xukumadda Somaliland  ayaa ugu horay baaq u diray cid kasta oo ka soo horjeeda heshiiskaas waxaana uu yidhi   “Dadka ka soo horjeeda heshiiska Somaliland la gaadhay Khaatumo waxaan u sheegayaa in Somaliland ay tahay harag Sakaaro , harag Sakaaro lama kala jeexi karo lamana kala googayn karo , Somalilandna waa mid.”

Eng Faysal Cali Xuseen ayaa Xukumadda ugu baaqay in ay taalabo ka qaado cidkasta oo khilaaf ka abuuraysa Magaalada Buhoolde “ Dawladda waxa uu xil ka saaran yahay in aan shir lagu baabinaayo heshiiska Khaatumo aanu ka dhicin Buhoodle,  yaanay jirin diyaarad soo faadhisan karta Buhoodle oo aan ruqsad ka haysan Dawladda Somaliland , Cali Khaliif inta dadka halkan joogta abaal ayuu ku leeyahay hadduu Garoowe tago waxaa la odhanayaa Wiilka Dhulbahante, xataa Profesor  loogu yeedhi mayo.”

Guddoomiyuhu waxa uu dawladda dalka Itoobiya ugu baaqay in ay joojiyaan ciidammada iyo shakhsiyaadka soo dhex marayaa xuduudooda ee soo gaadhay Magaalada Buuhoodle waxaannu yidhi “Dawladda Itoobiya waxa innoo qoran heshiis  ah in aanay cid wax yeelaysaa aanay ina soo dhex marin waxaanan  leeyahay dawladda Itoobiya gaadiidka iyo ciidammada ka imanaya Puntland ee soo dhex marayaa waa in ay joojiyaan, waa in heshiiska la hirgeliyaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply