Guddoomiyaha Badhan oo Beeniyay Warar Gobolkiisa Laga Faafiyay Warbaahintana Fariin u Diray

0
370

Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha Gobolka Badhan, Cali Xuseen Maxamed, ayaa beeniyay warar gobolkiisa warbaahinta Internetka laga eego qaarkood ka faafieen oo ay ku sheegeen in egmaa Laasqoray  oo ka tirsan Gobolka Badhan in lagaga dhawaaqay jabha magac qabiil sidata.

Waxaanu sheegay in warkaasi aanay ahayn mid hadda ah  oo jira  balse uu ahaa muddo hore oo laba sano ka soo wareegtay isla markaana dhallinyarada xilligaas muuqaalka laga duubay ee hubaysnayd  oo ahaa dhallinyaro deegaanka ah oo uu sheegay in niman siyaasad kale watay in ay qaldeen oo wax aan jirin ay u sheegeen laakiin markiiba dawladdu  ka hawl gashay dhallinyaradaasna la qarameeyay oo ay imika ka tirsan yihiin Ciidanka Qaranka.

Waxaanu intaa ku daray gobolka Badhan  in uu nabad gelyo yahay isla markaana ammaan ahaan la mid yahay gobolada kale ee Somaliland.waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Dawan.

Guddoomiyaha oo  ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay muuqaalka wabsaytyada la soo galiyay ee lagu sheegay in ciidan  jabhad ah oo Gaadh-haye la baxday in lagaga dhawaaqay degmada Laasqoray,ayaa yidhi. “horta warkaasi wax imika ah maaha dhallinyarada muuqaalkooda imika wabsaytyada la soo geliyay waxay arrintoodu ahayd laba sano ka hor waxaanay ahaayeen dhallinyaro la qalday oo dad siyaasiyiin ah oo ujeedooyin kale ka lihi ay qaldeen dawladduna way ka hawl gashay xilligaaba waxaanay dawladdu qaramaysay siyaasiyiintii danaha kale lahaana dalkaba way iskaga bexeen markii woxoogii ay socon waayeen gobolkuna waa nabad gelyo waxaanu la mid yahay  guud ahaan gobolada kale ee Somaliland.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay duruufaha ka jira gobolka Badhan,ayaa yidhi “gobolku gobolada kale ee dalka waxa kleliya ee uu kaga dambeeyo ee laga dareemayaa waa xaga horumarka iyo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa dawladda oo aan ka wada jirin imika qorshaha aanu wadnaana waxa weeye in dhammaan wasaaradaha dalku ay ku yeeshaan xarumahoodii iyo isu duweyaashodii oo la wada gaadhsiiyo hay’adaha dawladda oo dhan oo laga shaqeeyo dhanka horumarka.”

Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu ka hadlay saamaynta ay ku yeelatay gobolka Abaartii baahsanayd ee dalka ka soo martay,ayaa yidhi. “gobolku imika wuu roobban yahay laakiin waxaa jira dad  badan oo ku caydhoobay oo abaartii xoolihii ka dhammaysay laakiin waxaanu rejaynaynaa in gudiga ka soo kabashada abaaruhu ay kaalin wayn ka qaadan doonaan sidii dadka gobolka Badhan ku caydhoobay loo xoolayn lahaa,waxaa kale oo aan aad ugu mahad naqayaa anigoo ku hadlaya magaca dadka gobolka Badhan sidii wanaagsanayd ee gudigii gurmadka abaaruhu ay gobolka Badhan uga hawl galeen ee ay u wada gaadheen dhammaan degmooyinkisa iyo tuulooyinkiisa taasoo ahayd  mid gobolku uu kala sinnaa gobolada kale ee dalka, imikana Xukuumadda waxaa u qorshaysan in gobolka ay soo gaadhsiiso gobolada kale oo xataa Hay’adaha caalamiga ahi ay ka hawl galaan oo ay mashaariicda gaadhsiiyaan.”

 

ugu dambayn waxa uu fariin uu diray warbaahinta baahinaysa warar aan xaqiiqo ahayn isla markaana waxyeelo ku ah dalka iyo sumcaddiisa. “Waxaan uga digayaa warbaahinta wararka aan jirin caadaysata ee been abuurka  ka faafisa dalka taasoo ah dambi qaran oo la galo waxaanan xukuumadda ugu baaqayaa in ay wax ka qabato warbaahinta ka jirta Somaliland ka jirta ee sidan u dhaqanta in aan beenta lagu eegin ee tallaabo laga qaado.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply