Khilaafkii Maayarka iyo Golaha Degaanka Saylac oo la soo Af-jaray

0
357

Saylac (Dawan)-  Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta  Jamhuuriyadda Somaliland, Mustafe  Faarax  Abraar, ayaa shaaca ka qaaday in la soo af-jaray khilaafkii u dhexeeyay xildhibaanadda golaha degaanka Saylac iyo maayarka degmadaasi Xuseen Iidle Barkhadle.

Wasiirka Boosaha oo safar shaqo ku jooga  magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Selel  ayaa sheegay  in la isla qaatay in wixii  muran sharci  ahaa  ee u dhexeeyay maayarka Saylac iyo xildhibaanadda golaha degaanka    loola noqdo hay’adaha gar-soorka ee ay arrintaasi khusayso.

Mustafe Faarax Abraar,    waxa uu sidan ka sheegay   hadal uu shalay ka jeediyay   goob ay   isaga iyo maayarka degamdda Saylac Xuseen Iidle Barkhadle si wada jir ah uga  dhagax dhigeen dhismaha xarunta ay wasaaradda Boosaha ku yeelanayso  Saylac.

Waxaanu sheegay  wasiirku  in u jeedadda safarka uu Saylac ku joogo ay qayb ka tahay  xalinta khilaafkii u dhexeeyay maayarka Saylac iyo xildhibaanadda golaha degaanka Saylac, isla markaana ay ku guulaysteen soo af-jarida murankaasi.

isagoo xusay in buuqa iyo dhibaatadda laga daayo dawladda hoose ee Saylac. Waxaanu  yidhi “Waxaan  Saylac  u nimid safar shaqo, safarkaa shaqo oo ahaa khilaaf soo kala dhex-galay xildhibaanadda golaha degaanka Saylac iyo  maayarkii hore.   Waxaanan  ku xalinay khilaafkaasi, in wixii muran sharci ah  loola noqdo hay’adaha gar-soorka   ee ay arrintaasi khusayso,  oo  magaaladda Saylac iyo dawladda hoose laga daayo dhibaatadda iyo buuqa”.

Dhinaca kale wasiirka Boosaha iyo Is-gaadhsiinta iyo maayarka Saylac ayaa shalay si wada jir ah u dhagax dhigay  dhismaha xarunta ay wasaaradda Boosaha ku yeelanayso  Saylac, wasiirka  oo  ka hadlay  dhagax dhiga  xaruntaasi  waxa kale oo uu     sheegay in uu kormeer ku soo  wada mari doono dhamaanba meelihii ay dhismeyaasha ku lahayd  wasaaradda boosaha ee   ku kala yaalla goboladda  dalka.

“Waxaan maayarka degmadda Saylac kala wareegay  meesha aan doonayno in aan ka dhisno xarunta gobolka Selel ay ku yeelanayso wasaaradda boosaha, oo ah halkii ay hore u ahaan jirtay   oo uu  baaba’aday  dhismihii hore.   Waxaa ILLAAHAY (SWT) mahadii ah in maanta (shalay)   maayarku noo dhagax dhigay.    Ma  aha xaruntan oo keliya  goobaha  aan dhagax dhigayaa,  ama dhulka  wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiintu lahayd ee aan eegayo,  dhamaan dalka oo dhan oo  aan Saylac ka bilaabayo ayaan soo mari doonaa.

Barri ilaa Galbeed, oo aan maanta (shalay) ka bilaabay Saylac, waxaan tegi doonaa Ceerigaabo,  Laascaanood dhamaanba  dalka Somaliland meel kastoo wasaaradda Boosuhu ku lahayd goobaha is-gaadhsiinta iyo kuwa dhisan, waan soo eegi doonaa” ayuu yidhi wasiirku.

 

Maayarka Saylac Xuseen Iidle Barkhadle oo isna goobtii dhagax dhiga hadal ka jeediyayna waxa uu yidhi “Wasiir, waxaad gudoontaa  halkani waa meeshii hore ee ay lahayd wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta. Cabirka dhulka  aan kuu joogsaday ee aad leedahay  waa  15  Bari ilaa Galbeed ah iyo 18 Koonfur ilaa woqooyi ah.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply