Soomaalida Oo Sannadkan Ka Cabaneysay Hoos U Dhac Ku Yimi Kalluunka Harada Victoria

0
345

Waxaa uu hoos u dhac ba’an ku yimid kalluunka laga soo saaro harada Victori oo ku taalo xadka dalalka Kenya iyo Uganda.

Ganacsato isugu jira Soomaali iyo kuwa kale ayaa halkaasi ka kalumeysta, waxaana ganacsatada Soomaalida ay sheegen ka ganacsiga kallunka ay marki hore ka heli jireen dhaqaale wanaagsan oo gaaraya boqolaal kun oo dolarka Mareykanka , balse haatan ay aad u yartahay dhaqaalaha laga helo sababo la xiriiro kallunkii oo yaraaday.

Haddabo harada Victoria ee galbeedka wadanka Kenya oo uu dhawaan booqday weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato ayaa ka warbixiyay,

Kalluunka laga soo saaro harada Victoria oo ka mid ah harooyinka ugu waaweyn qaarada Afrika ayaa hoos u dhacay, waxaana hoos u dhacaas keenay dhibaatooyin dhawr ah oo is-biirsaday, sida ay sheegeen kalluumaytada deegaankaasi “Waxa sababay kalluun yarida abaar iyo roob yari iyo qabaw soo waajahday deegaanada ay ku taallo harada Victoria” sidaa waxa yidhi Cabdi Macalin oo ka mid ah kalluumaysatada.

 

Leave a Reply