Sicir-Bararka ka Taagan Somaliland oo Xadhkaha Goostay

0
347

Sicir-bararka iyo Sarrif-bararka is barkan ee ka taagan Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa cirka isku sii shareeray, waxaannu saamayn taban ku yeeshay dadweynaha danyarta ah oo noloshu aad ugu sii adkaatay.

Sarrifka Boqolka  Doolar,  ayaa suuqyada Hargeysa maalmihii la soo dhaafay lagu kala qaadanayay gacanta dambe 965.000 SL Sh. Ah. Taasina waxay saamayn xun ku yeelatay  maceeshadii daruuriga ahayd  oo kor u sii kacday bishan oo dukaamaysigu aad u badan yahay. Dadka danyarta ah ayaa tahli waayay inay suuqyada galaan ka dib markii wixii ay siteen waxba u goyn waayay.

Go’aamadii xukuumaddu horaantii sannadkan ka soo saartay xakamaynta  sarrif bararka ayaan wali waxba ka tisqaadin, iyadoo  qiime dhacii ku habsaday lacagta Somaliland-na halkeedii yahay.

Sidoo kale,  waxa dadweynuhu indhaha ku hayaan 16 maalmood ee ka  hadhay wakhtigii xukuumadda Somaliland u qabatay shirkadaha isgaadhsiinta ee TELESOM iyo SOMTEL ee leh adeegyada lacagaha telefoonka laga xawilo ee ZAAD iyo E-DAHAB, oo lagu amray inay seerfaradooda ka saaraan oo aanay xawilin lacagta ka yar Boqolka  doolar. Waxaanay xukuumaddu shirkadahaas fartay inay go’aankaas  ku fuliyaan ugu dambayn 1-da Bisha July ee fooda innagu soo haysa. Adeegyada ZAAD iyo E-DAHAB,  ayaa loo nisbeeyay inay kaalin ku leeyihiin sarrif bararka iyo sicir-bararka waddanka ku hawaarsaday.

Leave a Reply