Telesom oo Ballaadhisay Adeega ZAAD Laba Maalmood ka Hor Xiligii Loo Qabatay Inay Fuliyaan Go’aankii Madaxweynaha

0
361

Hargeysa(Dawan)- Shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa  sii ballaadhisay  adeega ZAAD-ka oo ay gaadhsiisay 10 kun  oo Doolar. Xili  laba maalmood oo kaliyi ka hadheen wakhtigii xukuumaddu u qabatay in shirkadaha SOMTEL iyo TELESOM ay u fuliyaan  wareegtadii madaxweynaha Somaliland soo saaray ee la xidhiidhay in shirkadahaasi ay xaddidaan Zaad iyo e-dahab oo ay seerfarkooda ka saaraan lacagta ka yar $100 doolar oo la faray inaanay diri Karin, ka dib markii loo nisbeeyay  inay kaalin ku leeyihiin sicir-bararka iyo qiime dhaca ku yimid lacagta dalka.

 

Shirkadda TELESOM may sheegin inay fulinayso amarkii xukuumadda ee lagu xaddidayey Zaadka oo ku eg 1-da Bisha July ee fooda innagu soo haysa oo laba maalmood ka hadheen, waxase ay  tallaabadan cusub ku sheegeen inay u qaadeen si ay u fududaydiyaan nolosha macaamiishooda.

“Macmiil Shirkadda Telesom waxay kuugu busharanaysaa in kor loo qaaday xaddiga Lacag dirista Adeega Zaad Service adigoo markiiba diri kara $10,000 halka markii hore ay ku xiddidnayd $2000  keliya . yoolkaygu waa in aannu kuu fududaynno Noloshadaa,”ayay shirkaddu ku tidhi farriin kooban oo shalay subax macaamiisheeda u soo marisay telefoonka gacanta.

Xukuumadda Somaliland, ayaan wali ka hadlin talaabadan cusub ee lagu sii ballaadhiyey adeegii Zaad ee la doonayay in la xakameeyo, si looga wax looga qabto sicir-bararka iyo sarif bararka isbiirsaday ee saamaynta taban ku yeeshay noloshada bulshada Somaliland ee danyarta ah, waxase dadweynuhu indhaha ku hayaan talaabada xukuumadu qaadi doonto haddii shirkadaha SOMTEL iyo TELESOM fulin waayaan qodobbadii ka khuseeyay go’aamadii xukuumadda ee suulinta sicir-bararka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply