TELESOM Iyo SOMTEL oo Fulin Waayay Amarkii Madaxweynaha ee Lagu Xaddidayey Zaad iyo E-dahab

0
368

Hargeysa(Dawan)-Waxa  dhammaaday wakhtigii xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay ku fartay  shirkadaha isgaadhsiinta ee SOMTEL iyo TELESOM, inay fuliyaan  qoddobkii ka khuseeyay digreetadii Madaxweynaha ee la xidhiidhay   in shirkadahaasi ay  seerfarkooda adeegyada Zaad iyo E-dahab ka saaraan lacagta ka yar $100. Kadib markii loo aaneeyay lacagta telefoonka gacanta la iskaga diraa ay kaalin ku leedahay  sarif-bararka iyo sicir-bararka is biirsaday ee ka taagan dalka.

Wakhtigii xukuumaddu u qabatay labadan shirkadood oo ku eg maanta oo ah  1-da  July 2017, ayaanay labada shirkadoodba  fulin go’aankii madaxweynaha, waxaanay  Zaad iyo E-dahab labaduba u shaqeynayaan sidoodii hore, mana jiraan wax iska beddalay. Bulshada ayaa ilaa xalay aad wax iskaga weydiinaysay asbaabaha ay shirkadaha isgaadhsiintu u dhaqan gelin waayeen amarkii madaxweynaha. Sidoo kale waxa goobaha barkulanka bulshada sida face-book-ga iyo saxaafadda kale ee bulshada  hadheeyay doodo ku saabsan arrintaas oo dadku kaga ra’yi dhiibanayeen siday u arkaan.

Waxa kaloo la isweydiinayaa talaabada ay xukuumadu qaadi doonto iyo waxa laga yeelayo awaamiirta xukuumadda ee shirkaduhu dhegaha ka furaysteen.

Geesta kalena, Shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa  laba maalmood ka hor sii ballaadhisay  adeega ZAAD-ka oo ay gaadhsiisay 10 kun  oo Doolar.

“Macmiil Shirkadda Telesom waxay kuugu busharanaysaa in kor loo qaaday xaddiga Lacag dirista Adeega Zaad Service adigoo markiiba diri kara $10,000 halka markii hore ay ku xiddidnayd $2000  keliya . yoolkaygu waa in aannu kuu fududaynno Noloshadaa,”ayay shirkadda TELESOM  ku tidhi farriin kooban oo macaamiisheeda u soo marisay telefoonka gacanta.

Ma jiro wax war ah oo  xukuumaddu ka soo saartay digreetadii iyo amarkii madaxweynaha ee looga gol lahaa suulinta sicir-bararka, ee shirkadaha isgaadhsiintu dhiciseeyeen inay meelmariyaan qoddobkii ka khuseeyay. Waxa kaloo arrintani ku soo beegantay iyadoo sarif bararka ku habsaday dalku uu marayo halkii ugu xumaa maalmihii la soo dhaafay , waxaannu boqolka doolar lagu kala sarifanayay suuqyada Hargeysa 930.000 SL shilin ah gacanta hore.halka gacanta dambena lagu kala qaadanayay 960.000 SL SH ah.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply