Wuu Is Dilay Markii Loo Bixiyay “Gaabane”!

0
440

Jilaaga Ingiriiska ah ee Herve Veltches  wuxuu dhashay  sannadkii 1943, lama arag qof jilaa ah oo ilaa xadkan gaabnidiisu gaadhay. Waxaana uu  caan ka noqday dunida. Sida ay dadku u xiiseeyaan waxa uu la mid noqday jilaaga caanka ah ee Faransiiska ah Mr. Herve John Pierre  oo kaalin muhiim ah ku leh filimida caalamiga ah, sida kan James Bond.

Herve Waxa uu ka qayb qaatay bandhigyo taxane ah oo cajiib ah sida Filimkii caanka ahaa ee Fantazy Island oo socday intii u dhaxaysay 1978- 1984.

Wakhtigii Caruurnimadiisa ayuu Herve ku dhacay xanuun hidde ah oo sababay inuu noqdo mid aad u gaaban oo dadku soo wada eegaan marka ay arkaan. Herve Dalka Faransiiska ayuu ku bartay farshaxanka waxana uu uga sii gudbay dalka Maraykanka isagoo ku takhasusay sawirka iyo fanka.

Waxaana uu ahaa Jilaaga Herve Veltches mid ay dadku xiiseeyaan oo aad u jecel yihiin. Laakiin subaxnimadii bishii September 4, sanadkii 1993 waxa dadka oo dhami la yaabeen markii ay maqleen inuu dhintay ka dib markii uu isagu is toogtay oo nafta iska jiray.

Hreve ayaa ka tegay warqad fariin ah oo uu ku qoray  erayadan: ” Muddo dheer ayaan u bukay si nafsaani ah , waxaan aad u nacay gaabnida, idinkuna waxaad iigu yeedheen Gaabane, ma rabo nolosha noocan ah”.

Bulshada ayaa dareentay in sababta dhimashadiisa ay ahayd mid xidhiidh la leh niyad jabka uu ka qaaday gaabnida. Sawirku waa isaga iyo aabihii oo wada jooga.

 

Leave a Reply