Waxay u Badbaadeen Si Mucjiso ah?

0
403

Sanadkii 2007 qoyka Keesling oo ka koobna lamaanaha iyo wiil yar oo ay dhaleen ayay bisadooda Weini habeen badhkii hurdada ka toosisay si ay uga badbaadiso xaaladda halista ee ay ku sugnaayeen oo keenaysa inay dhamaantood dhintaan.

Bisadda ayaa dareentay hawada guriga oo bedelantay ka dib markii  hawada  sunta ah ee Carbon monoxide poisoning  ahi ay ka soo liigaysay dhulka hoose ee guriga. Lamaanaha Mr. Eric iyo Cathy Keesling ayaa caddeeyay in bisadooda oo 14 sano jirtay ay ahayd tan badbaadisay. Waxay Cathy sheegtay inay saacadu ahayd kowdii habeenimo oo bisadda ay bilowday inay u ciddo si aan caadi ahayn si aan u toosno, laakiin markii aan toosi waynay ayay sariirta ku soo booday oo wejiga carabkeeda iga marisay markaasi ayaan aqoonsaday in isbedel jiro ayay tidhi Cathy.

Gabadha ayaa sheegtay in markiiba ay isku dayday inay toosiso odaygeeda laakiin uu hore u kici waayay ka dibna ay toos ciidanka gargaarka ula xidhiidhay , ciidankaasi oo dhakhso u soo gaadhay kuwaasi oo ahaa Indianapolis ee dalka Maraykanka.

Waxaana aya sheegtay inay hawada ogsijiinta ku sii daayeen guriga si ay u barabarixo hawadii sunta ahayd. Wiilkeeda ayaa isaguna wakhtigaa hore miyir beelay ka dib suntaasi hawada ee ay qaateen, laakiin dhamanatood wax yar ka dib way badbaadeen.

Waxa aad ay ula yaabeen sida ay qoyskani bisadoodu u badbaadisay. Waxaana ay sheegeen in haddii 10 daqiiqo ay sii hurdi lahaayeen ay dhamaantood dhiman lahaayen.  Allah marka uu xukumo inuu qofka dhinto oo keliya ayuu dunida ka tagaa. ( Foxnews.com)

Leave a Reply