Dekedda ugu Weyn Khaliijka oo Xadhigga laga Jaray

0
379

Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamiin Xamad Al-Tani ayaa xadhigga ka jaray Deked cusub oo laga hirgaliyay Koonfurta magaalada madaxda dalkaasi ee Doha.

Dekeddan oo loogu magac daray Sheekh Xamad oo ah Amiirkii hore ee dalkaas ayaa lagu tilmaamay tan ugu weyn, uguna casrisan, Khaliijka waxayna awooddaa in saddex meelood meel laga soo dejiyo. Ganacsiga Bariga Dhexe, iyadoo dhismaheeda ay ku baxday kharash dhan 7.5 Bilyan oo Dollar.

Maamulka Wasaaradda Isgaadhsiinta dalka Qadar ayaa sheegay in dekedan casriga ah oo la furey salaasadii ay ka kooban tahay qeybo kala duwan sida Bakhaarada lagu keydiyo badeecadaha oo ay ka mid yihiin sida cuntada oo la sheegay inay keydin karto baahida cunto 3-milyan oo qof muddo laba sano ah.

Maamulka Wasaaraddaasi waxay kaloo intaa raacisay in masaaxadda ay Dekeddan cusub ku fadhido ay dhan tahay 28.5km isku wareeg ah, keydinta Cuntada iyo badeecadaha kale ka sokow waxay kaloo qaadi kartaa 5 kun oo baabuur iyo 74 kun oo Adhi ah  iyo 8 kun oo Tan oo ah qalabka dhismaha.

Leave a Reply