Sucuudiga oo ka Hadlay Sida uu ku soo Noqon karo Xidhiidhkooda Iiran

0
364

Warbaahinta Sucuudiga ayaa  werisay in wasiirka arimaha dibadda Sucuudiga uu  wax lagu qoslo ku tilmaamay hadal haynta ah in ay suurto gal tahay in Sucuudiga iyo Iiran isku soo dhawaanayaan. Waxaanu tibaaxay in xidhiidhada diblomaasiyadeed ee labada dal dhex maray ku koobnaayeen oo keliya agaasinkii Xajka.

Caadil Al-Jubayr oo warfidiyeenka kula hadlayey safaaradda Sucuudigu ku leeyahay London ayaa u sheegay inay waajib ku tahay marka hore Iiran in ay siyaasadaheeda bedesho hadii ay doonayso in ay isku soo dhawaadaan. Waxaanu intaa ku daray oo yidhi “marka arimaha Xajka laga hadlayo Sucuudigu ma siyaasadeeyo arimahiisa, taas macnaheeduna ma aha soo noqoshada xidhiidhkayagii”.

Af-hayeenka wasaaradda arimaha dibadda Iran, Buhram Qaasimi, ayaa hore u xaqiijiyey in Tehran iyo Riyadh ay is dhaafsadeen laba wefti oo u kala socdaalay labada dal, booqashadaas oo ujeedadeedu ahayd in ay soo indho indheeyaan xarumaha ay degayaan ergooyinka diblomaasiyadeed ee ku kala yaalla Riyadh iyo Tehran.

Sucuudiga iyo Iran waxay hore isku weydaarsadeen eedo midba ka kale ku eedeeyey in uu nabadgelyada gobolka khalkhal galinayo iyo taageerada qaar ka mid ah kooxa ku hirdamaya Suuriya, Yemen iyo Ciraaq.

Tehran ayaa xidhiidhka diblomaasiyadeed u jartay Tehran bishii Jeeniwari ee sannadkii hore ka dib markii safaaradii Sucuudigu ku lahaa ay weerareen dad ka mudaharaadayey dilkii Sucuudigu ku xukumay ee lagu fuliyey sheekhii Shiiciga ahaa ee Nimir Al-Nimir.

 

 

Leave a Reply