Xukuumadda oo Keentay Dalka Mishiin Lagu Baadhayo Daawooyinka

0
333

Hargaysa (Dawan)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa markii u horraysay  keentay mishiin casriya oo lagu baadhi doonno tayadda badeecadaha dalka soo gelaya gaar ahaana daawooyinka dalka soo gelaya iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.

Munaasibad lagu shaacinayey ka shaqeysiinta  qalabkan  lagu hubinayo tayadda daawooyinka  oo shalay lagu qabtay xarunta hay’adaasi, waxa ka soo qayb galay guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha,   wasiirro  iyo masuuliyiin ka socday ururka ay ku bahoobeen shirkadaha daawooyinka soo dejiya.

Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha Somaliland Cali Maxamed Cabdulle (Biikalo), oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in mishiinkan lagu hubinayo tayadda daawooyinka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo ay muddo badan sugayeen.

Cali Biikalo, ayaa tilmaamay in mishiinkani uu hay’adda dhawrista tayadda u suurto-gelinayo in wadanka gudihiisa baadhitaan lagaga samayn karo badeecooyinka dalka soo gelaya  iyo waxyaabaha kale ee wadanka gudihiisa laga soo saaro.

“Maanta (shalay) halkan waxaanu ku soo bandhigaynaa, mishiin aanu in badan sugaynay in uu dalka yimaado. Mishiinkan aanu maanta (shalay)soo bandhigaynaa waxa uu hor dhac u yahay in aan wadanka gudihiisa baadhitaan  ku samayn karno  agabka dalka soo galla iyo midka ka baxayaba”ayuu yidhi guddoomiye Biikalo.

Waxa kaloo uu sheegay in mishiinkani uu yahay mid  lagu baadhi karo  dhawr iyo toban kun oo waxyaabo kala duwan ah. waxaanu yidhi “Mishiinkani waa mid ilaa dhawr iyo toban kun oo waxyaabood oo daawooyin iyo waxyaabo kale-ba haddii loo isticmaalo baadhi kara, kana warbixin kara tayadda agabkaasi”.

Sidoo kale Cali Jaamac Buureed, wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Baddaha Somaliland  oo ka mid ahaa wasiirradii xafladaasi joogay ayaa u soo jeediyay ganacstadda badeecaha kala duwan soo dejiya in ay la shaqeeyaan hay’adda dhawrista tayadda, isla markaana ay iyagu keenaan hadba wixii ay soo dejiyaan meesha uu yaallo mishiinka lagu hubinayo.

Wasiir Buureed, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ganacsatadda iyo dadka wax  soo dejiya iyo kuwa wadanka gudihiisa wax ka soo saaraba waxaan ku dhiirigelinaynaa in ay la shaqeeyaan, oo ay iyagu wixii ay soo saareen iyo waxay soo dejiyaan ay u keenaan halka uu mishiinku yaallo, si loo hubiyo in waxyaabahani ay tayadoodu sax tahay”.

Wasiirka ganacsiga Cumar Shucayb, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee ilaalinta tayadda badeecadaha dalka la keenayaa ay saaran tahay dadka ganacsatadda ah, maadaama oo aan weli la helin qalab ku filan baadhitaanka badeecadaha.

“Maadaama oo aynaan imika haynin qalab ku filan oo aynu wax ku baadhno, masuuliyadu waxay saaran tahay qofka ganacsadaha ah”ayuu yidhi wasiirka ganacsiga.

Geesta kale Yuusuf Ducaale barre, oo ah guddoomiyaha ururka shirkadaha soo dejiya daawooyinka oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay urur ahaan soo dhawaynayaan qalabkan casriga ah ee lagu hubinayo tayadda waxyaabaha dalka soo gelaya  ee  ay keentay hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha.

Isagoo amaan u jeediyay guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha Somaliland oo uu sheegay in uu guntiga u xidhay  kuna dedaalay   sidii loo ogaan lahaa tayadda wax kastoo dalka soo gelaya.

Qalabkan shaybaadhka ah ee lagu hubinayo tayadda daawooyinka oo ay soo iibsatay hay’adda dhawrista tayadda Somaliland ayaa shaqaalaha ku shaqayn doonaa ay yihiin kuwo loo tababaray.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply