Dufcaddii 9-aad oo ka Aflaxday Jaamacadda Nugaal & Dhisme Cusub oo la Dhagax-dhigay

0
432

Laascaanood(Dawan)- Jaamacadda Nugaal ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool,ayaa shalay u qabatay munaasibad qalin jabin ah dufcaddii sagaalaad ee jaamaddaas ka qalin jabisa oo dhammayd boqol iyo sagaashan arday oo ka baxay todoba kulliyadood oo kala duwan,munaasibad si wayn loosoo agaasimay oo jaamacaddu u qabatay munaasibadda qalin jabinta ardayda ka aflaxday,ayay ka soo qayb galeen Wasiirro Xukuumadda ka tirsan,madax ka socotday sadexda Xisbi qaran maamulka Jaamacadda madaxda heer gobol iyo Degmo ee Sool iyo Laascaanood Madaxdhaqameed waalidiin iyo ardayda jaamacadda Nugaal iyo dadweyne kale oo farxadda qalin jabinta kala qayb qaadanayay aradayda shalay loo muunaynayay.

Wasiiradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon) Wasiirudawlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, iyo Wasiirka Khayraadka Biyaha  Xuseen Cabdi Boos Siyaasi Cali Maxamuud Yuusuaf (Cali Guray) oo ka socday Xisbi Xakimka Somaliland ee KULMIYE iyo Cabdirisaaq Khaliif Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga WADDANI iyo madax ka tirsan Xisbiga UCID.

Munaasibadda Qallinjabinta oo ay ku aflaxeen boqol iyo sagaashan arday oo ka qalin jabiyay 7 kulliyadood oo ay culluun kala gedisan ku dhimmaysteen ayay madaxda heer gobol,deggo,xisbi iyo qaran iyo madaxdhaqameedkii ka hadlayba ku bogaadiyeen  tacliinta ay soo qaadanayeen  mudada afarta sano ah ee ay dhamaysteen isla markaana ku hambalyeeyeen maamyulka iyo macalimiinta Jaamacadda iyo waalidiinta tacabka galisay ardaydana kula dardaarmeen in ay tacliinta sii wataan isla markaana wixii ay barteen ay dalkooda iyo dadkooda ugu adeegaan.

Dhinaca kale markii munaasibada qalinjabintu soo dhammaatay oo wargayska Dawan wax ka waydiiyay waxyaabaha ay jaamacadda Nugaal ka Xukuumad ahaan ku  kordhinayaan Wasiirudawlaha Waxbarada iyo Tacliinta Sare,ayuu ku jawaabay.

“Hore waxay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo Jaamacadda ugu maalgalisay lix boqol oo Kun oo Dollar iyadoo qaybaha kala duwan ee Jaamacadda hirgalintooda ka qayb qaadatay imikana waxaanu dhagax dhignay oo si deg deg ahna loo bilaabayaa dhismeyaasha   kala ah Hool shirarka iyo kulamada lagu qabto Laybareeri  iyo hal dabaq oo lagu kordhinayo dhismaha dabaqa ah ee Jaamacadda oo noqonaya laba dabaq,waxaanan ballan qaadaynaa in aanay Xukuumaddu waxba kala hadhayn wixii ay Jaamacaddu u baahantahay ee aanu dawlad ahaan awoodno tanina waxay ka mid tahay waxqabadyadii Madaxweynaha Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE intii uu talada hayay uu dalka ka hir galiyay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply